shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fagadhe oo galabta ku geeriyooday Cisbitaal kuyaala Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska.

(Paris,  December 27,  2009 Ceegaag Online)

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe) ayaa galabta ku geeriyooday cisbitaal ku yaala Magaalada Paris ee Xarunta dalka Faransiiska, Marxuum Fagadhe ayaa horey u ahaan jiray Wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland iyo Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.

Madaxweyne Riyaale  ayaa tacsi u diray guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Fagadhe. Wuxuuna Ilaahay uga baryay in uu  naxariistii janno ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa Tacsi taa la mid ah Gaarsiinaya Qosykii & Qaraabadii uu ka geeriyooday ALLE ha unaxariistee Marxuum Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe)... dhamaan shaqaalaha Shabakada Ceegaag Online waxaan ALLE uga baryaynaa Marxuum Fagadhe  in ilaahay ha ka waraabiyo Janatul Fardowsa dhamaan qosykii & qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo Iiman inaga wada siiyo. Aamiin.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com