shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Puntland oo heshiis hordhac ah la sixiixday dawlad gobeleegka Gal-mudug

(Gaalkacayo,  December 25,  2009 Ceegaag Online)

Dhinacyada Maamulka  Puntland iyo DG-Galmudug ayaa maanta heshiiska ku gaareen magaalada Gaalkacyo gaar ahaana goobihii shalay lagu dagaalamay, waxaa uu ka koobnaa ilaa sedex qodob oo la isku waa faqay lana dhaqan galiyay waxayna kala ahaayeen.

  1. In Xabbada  la jiijiyo si shuruud La'aan ah

  2. In lakala qaado labada Ciidan

  3. In berri subax la billaabo wadahadal rasmi ah Wada hada loo furo

Sida uu warbaahinta sheegay duqa magaalada Galkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan waxaa lagu ballamay in labada dhinac mid walba uu kulanka berri ah u soo dirsado 15 ergay markaasna la guda galo wada hadal dhab ah.

Kulanka maanta oo ka dhacay dugsiga Umadda ee ku yaalla bartamaha magaalada ayaa waxaa ka qaybgalay madaxda labada maamul ee Puntland iyo Galmudug iyo bushada rayidka gaar ahaan odayaasha, ganacsatada iyo urur dhallinyaro oo ka kooban labada qaybood ee magaalada.

Xaaladda guud ee magaalada Galkacyo waxay ahayd maanta mid aad u deggan mana jirin wax saansaan colaadeed ah oo halkaas lagu arkay ama dhawaaqa rasaasta oo la maqlay tan iyo saaka aroortii.

Waxaana Maanta Markii uu  dhacayb Heshiiskaasi Kumeel Gaarka ahi Soo Dhaweeyey dhamaan shacabka Kunool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo Iyagu dagaaladaasi Labadii Maalmood ka dhacay magaalada Gaalkacyo Si Wayn uga Xumaaday iminkan Soo Dhaweeyey Heshiiska

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com