shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Baarlamanka DKMG oo sheegay in dhalinyaradii dalka dhibaato loogala cararay dalka haatan dib dhibaatooyin  ay ugu soo safriyeen .

(Muqdisho,  Dec 10,  2009 Ceegaag Online

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed nuur Sheekh Aadan Madoowe oo maanta gudaha magaalada muqdisho saxaafada kula hadlayey ayaa waxaa uu si kulul uga Hadley falkii qaraxa ahaa oo dhowaantan ka dhacey Hoteel Shaamoow ee magalada muqdisho.

Ugu horeentii ayaa Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya waxaa uu sheegey in wiilashii horey loogala cararey dhibaatooyinka dalka Soomaliya iminka ay bilaabeen in dalkooda ugu soo noqdeen in ay dhibaateeyeen sida hogaanka sare ee Baarlamanka hadal u dhigey.

Afhayeenka Barlamanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu ka Hadley marxalada iminka dalka Soomaaliya uu marayo isagoona sheegey in Dowlada KMG ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif ay dadaal uga jiraan sidii is badel ay uga sameyn lahaayeen xaalka dalka uu maro.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Barlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu ka Hadley fadhiyadii Baarlamanka Soomaaliya oo mudo todobaad ah aan qabsoomin,isagoona Afhayeenka Sheegey in fadhiga uu ubaaqey falkii qaraxa ahaa ee dhowaan ka dhacey gudaha magaalada Muqdisho.

Ugu danbeeyntii Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka ayaa waxaa uu sheegey in dhowaan sida uga dhakhsiyaha badan uu u bilaabanayo fadhiyadii Baarlamanka Soomaaliya ay yeelan jireen..

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com