shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Masaajid kuyaala Falastiin oo ay gubeen kooxaha dhulboobka ka wada Daanta Galbeed ee wabiga Urdun

(Falastiin,  Dec 15,  2009 Ceegaag Online)

Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa weerar lagu qaaday Masaajid ku yaala daanta galbeed ee wabiga Urdun, masaajidkaa oo la gubay madxafkiisii sidoo kalena la gubay qayb ka mida xafiis tadiisii.

Waxaa kale oo lagu feegaaray barandayaashiisii iyada oo lagu xardhay  cay ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta looguna caga jugleeyay in la layndoono si loolo wareego dhulkooda.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamada amaanka ee sahnuuniyiintu manta soo weerareen isla goobtaa si dadka loogu sheego in dawladu raali ka tahay ficilkaa ay sameeyeen Horgalayaashooda dhulboobka ba’an ku haya shacabka reer Falastiin.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com