shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowlada KMG ah oo sheegtay in falalka ka dhaca Hotelada Muqdisho ay damaanad qaadi donaan milkiilayaasha hotelada.

(Muqdisho,  Dec 07,  2009 Ceegaag Online

Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxa sheegtay in dhacdadii haatan ka dib ma dhacdaa hotelada magaalad Muqdisho ay damaanad qaadi doonaan milkiilayaasha Hotelada magaalada Muqdisho.

 

Kadib shir jaraa'id oo uu maanta Saxaafada ugu qabtay gudaha magaalada Muqdisho Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta dowladda KMG Soomaaliya Maxmed Xuseen Saciid ayaa waxa uu ku sheegay in ay sharaf xumo wayn u tahay Mas'uuliyiinta Hoteelada ku yaala magaaalda Muqdisho waxyaabaha hoteeladooda ka dhaca xilliyada qaar.

 

Wsaiirka ayaa la dhawaajiyey in falalka ka dhacay hotelada magalada Muqdisho ay soo noqnoqdeen ,waxa uuna sheegay in dhacdadii ka dhacdaa hotelada Muqdisho dowlada ay u qabsan doonto mas,uulka hotelka falka uu ka dhaco.

 

Maxamed Xuseen Saciid Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta dowladda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday falkii naxdinta lahaa ee Qamiistii aynu soo dhaafnay ka dhacay hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku nafwaayeen tiro ka tirsan golaha Wasiirada Soomaaliya , Profisooro, Dhaqaatiir, Macalimiin, Arday iyo Saxafiyiinta qaar ee magaalada Muqdisho.

 

Wasiirku tibaaxay in ay kulamo la qaadan doonaan mas'uuliyiinta hoteelada waawayn ee magaalada Muqdisho ayna kala hadli doonaan sidii amaanka hoteelada Muqdisho ay u sugi lahayd dowladda KMG Soomaaliya.

 

Ugu danbeeyntii wasiirka ayaa waxa uu ugu baaqay masuuliyiinta hotelada magalada Muqdisho in ay si buuxda kaga shaqeeyaan amaanka hoteladooda si looga baaqsado in markale dhacdo xun ay ka dhacdo hotelada magaalada Muqdisho.

 

 

Sikastaba hadalka ka soo baxay dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu imaanaya xili Khamiistii la soo dhaafay qarax uu ka dhacay hotel Shaamoow kaasi oo ay ku dhinteen dad farabadan oo wasiiro ay ka mid ahaayeen.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com