shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacada Muqdisho oo la kulantay jaaliyadda Puntland ee dalka Norway.

(Oslo, Norway  Dec 06,  2009 Ceegaag Online

Gudoomiyaha jaamacada Muqdisho Dr: Cali sheekh Axmad Abuubakar oo booqasho shaqo ah ku maraya qeyb ka mid wadamada yurub ayaa kulan la qaatay Odayaasha, Aqoonyahanada , Culimada , Dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee jaaliayada Puntland caasisamada dalka Norway ee Oslo.
 
Kulankaas oo ay  ujeedadiisu ahayd mahad celin jaamacadu u mahadcelineysay jaaliyadda Puntlad sidii sharafta badneyd ee jaamacada Muqdisho loogu soo dhaweeyay gobolad puntland

Afartii bishii sideedaad ee sanadkii tagay ayeey ahayd markii ay jaamacada Muqdisho farac cusub ka furtay magaalada Boosaaso.
Maamulka dowlada, Isimada , Aqoonyahanada,Culimada iyo dhamaan qeybaha bulsahada ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyay firitaankii jaamacad iyo dhismihii kambaska jaamacad oo la ga dhisay meeshii ugu quruxda badnayd ee magaalada Boosaaso.
 
Dr: Cali Sheekh Axmad  abuubakar ayaa ka hadlay faaidada waxbarashadu leedahay iyo sidii ey reer buntland  uga faaiideysan lahaayeen fursadaas qaaliga ah. Dr: Ayaa Balan qaaday inay jaamacadu la sahaqeyn doonto wasaarada waxbarashada ee Puntland iyo bahda waxbarashada kashaqeysa reer puntlad.
 
Jaamacada Muqdisho ayaa sidookale u mahadceliya Xarunta Iskaashiga soomaalida Norway sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan jaamacado ayagoo bixiya deeq waxbarasho oo ay  siiyaan arayda soomaalida  ee aan awoodin inay iska bixiyaan fiiga jaamacada, iyo sidey uga qeyb qaateen qabanqaabada kulankaan.
 
Gudoomiyaha jaaliyada Cabdiwahaab Maxamad Saciid ayaa mahad balaaran u jeediyey jaamacada muqdisho iyo cidii ka dameysay aas aaska jaamacada, waxaakale oo u si gaar ah ugu mahad celiyay Dr: Cali kartida iyo dadaalka uu u muujiyey waxqabadka umada,Cabdiwahaab ayaa isagoo ku hadlaya magaca jaaliyada balan ku qaaday inay garba istaaganyihiin jaamacada muqdisha  labadeeda faracba.

 
Sidoo kale odayaasha iyo aqoonyahanadii ka soo qayb galay shirkaas ayaa u mahadceliyay jaamacad a cadeeyayna inay kamid noqondoonaan si wanaagsan ula shaqeyn doonaan jaamacadaMuqdisho.


Mid ka mid ah odayaasha kulankaas joogay ayaa jaamacad siiyay dhul uu isagau gaar u leeyahay oo ku yaala mgaalada Boosaaso si jaamacadu ugu isticmaasho waxqabadka danta guud ee bulshada.
 
Gabagabadii kulankaas waxaa uu ahaa kulan aad u xamaasad badnaa dadkuna aad ugu faraxsanaayeen waxqabada jaamacada iyo horumarka ay gaartay.

 Ugu dambayntii waxaa jaamacada iyo jaaliyaduba isku af garteen iney kawada shaqeeyaan arimaha waxbarshada ,musaalaxada iyo horumarka dalka.

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

Qeybta Warbaahinta Jaamacada  Muqdisha
Muqdisha Soomaaliya

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com