shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ogaysiis la xidhiidha dhir-baaxadii kululayd ee shalay lagu ku dhuftay Shacabka Soomaaliyeed gar ahaan Reer Muqdisho

(Muq  Dec 04,  2009 Ceegaag Online)

 

Ogaysiis CIdii ay Khusayso: Warbixinta Hoose shalayto waxaa diyaariyay Xoghayaha xaga maaliyada ee shabakada Eng. Xuseen.Fiin kadib markii uu saluugay warbixin katimi wariyaha shabakada ee muqdisho, warbixintaa oo ahayd suxufinimo balse uu xoghayuhu aad uga muraaro-dilaacay falka waxashnimada lahaa ee lagu fuliyay reer Muqdisho. Xoghayaha ayaa doorbiday in dadka warka siduu yahay loogu sheego, si dadku u dareemaan masiibada ka dhacday Muqdisho.

Kooxaha isqarxiya ayaa saaka ka fuliyay weerar ismiidaamin ah Hodheelka Shaamow ee magaalada Muqdisho, Ismiidaamintan ayaa waxaa lagu xasuuqay qaar kamida maskaxdii shacabka Soomaaliyeed oo isugu jiray Dhakhaatiir inbadan lagusoo tabcay, Aqoonyahanadii naftooda hurayaasha ahaa ee ku soo tabcay iyo waxgaradkii u guntaday Soomaaliya inay dhibka ka saaraan ee masuulkana ka ahaa Dawlada dhexe ee Soomaaliya.

dad tiradoodu gaadhasay 14 ruux oo ay kamid ahayeen Provesor Shiihiid oo ahaa gudoomoyihii jaamacada Banaadir wasiirka Tacliinta Sare, Prof Ibraahim Xassan Caddow, Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadan iyo Wasiirka Waxbarashada Axmed Cabdullaah ayaa ku geeriyooday.

Dadka ku dhaawacmay ismiidaamintan ayaa waxa ay kor u dhaafeen ilaa 46 qof oo aykamidyihiin Provesor Jideey, Cabdulaahi Xuseen Bushkileeti, Provesor Tahliil, iyo Provesor Weheliye. Sidookale waxaa dhaawaca ku jiray Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad halka ay ku geeryoodeen

Sidoo kale waxaa qarahaa ku dhintay shan dhakhtaroo maanta qalin jabin lahaa, labo Suxufiyiin ah oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo ka tirsanaan jiray Radio Shabelle iyo Xassan Zubayr oo ahaa Kaameristaha Telefishinka Carbeed ee Al-Carabiya.

Waxaan tacsi u diranaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo uu joogo anaga oo ugu baaqayna inaan laysku eegan dhibka ee loo wada guntado sidii wax looga qaban lahaa dhibka haysta dalkeena oo haatan maraya in si badheedh ah loo laayo dadka dalka wax ka badali lahaa.

Weerarkan ayaan ahayn mid sisahal ah isaga yimid balse ah mid ladoonayo in lagu dhaxal wareejiyo DIIN iyo DALBA shacabka Soomaaliyeed.

Warbixintii wariyuhu soo diray waatan ee hoos ka akhriso

Wasiiro, xildhibaano Arday Wariyaal iyo masuuliynnka kale ayaa maanta waxa ay ku dhinteen qarax ka dhacay hotelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho.



Inta haatan laga warhaayo in ay qaraxaasi ku dhinteen ayaa wax ka mid ah Wasiiradda Caafimaadka dowladda KMG Qamar Aadan Cali,Wasiirka Tacliinta dowladda KMG Pro. Ibraahim Xasan Cadoow,Wasiirka Waxbarashada C/laahi Waayeel iyo Wariyihii Shabelle Max’ed Amiin Aadan Cabdule iyo Sawirqaade ka tirasana TVga Alcarabiya oo lagumagaabo Xasan Zubeeyr iyo Digtoor Max'ed Aadan Shahiid iyo araday farabo badan oo halkaasi ku suganaa.

Goobta uu qarax ka dhacay ayaa aad loo adkeyey amankeeda waxaana soo buux dhiiafiyey ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaliya oo dadweynaha ka celinaya in ay Hotelka galaan.

Wararka aya sheegaya in aan wali la xaqiijin garin tirade dhabra ah ee qaraxa ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay waxaasi wali hotel Shaamoow ee uu qaraxa ka dhacay laga dad ku reeynayaa meydadka iyo dhaawaca

 

 

Cusbitaalka Madiina ayaa la dhigay dhaawacyada 40-ruux ruux oo u badnaa Ardaydii qalin jebinta u fadhiysa, waxaana xilliga qaraxa dhacay la sheegay in ay socotay qudbad ay jeedinayeen Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG.

Ilaa iyo hada war rasmi ah kama soo bixin Dowladda KMG, madaxdeeda sare waxaana haatan socda kulan ay u fadhiyaan dhamaan Mas'uuliyiinta Dowladda iyo Saraakiisheeda dhinaca Ciidamada oo lagu wado in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.
 

Ma jirto sidoo kale cid sheegatay qaraxaas ismiidaaminta oo uu fuliyay qof la sheegay inuu xirnaa waxyaabaha qarxa oo isku qarxiyay goobtii ay ka socotay xaflada qalin jebinta.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com