shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan Diimeedkii ugu waynaa ee abidka dhacay Goboladan New England oo Lagu soo gabo-gabeeyay magaalada  Boston

(Boston,  December 31,  2009 Ceegaag Online)

Magaalada Boston ee caasimada u ah Gobolada laysku yidhaahdo New England ayaa lagu soo gabo-gabeeyay kulan diimeed kii ugu waynaa ee abid ka dhaca Goboladan, Kulandiimeedkan ayaa ahaa mid ay jaaliyada Soomaaliyeed lahaayeen iyada oo ay kulankan soo agaasimeen Ardayda Masjidka Soomaalida ee magaalada Boston.

Kulankan oo faahfaahsan ahna maqal ayaa la filayaa inuu hawada soogalo isbuucyada inagu soo aadan sidaa awgeed sii maleecsada uun kulankaa iyo sida uu u dhacay.

Kulankan waxa uu bilowday Jimcihii 8(sideeda bisha Muxaram) oo ku beegnayd 25ka bisha Disember ee Milaadiga.

Kulandiimeedkan oo ay soo agaasimeen Ardayda Masjidka Taqwa ayaa waxaa Xidhiidhinayay Madaxwaynaha Masaajidka Altaqwaa Sheekh Yuusuf.

Waxaa isna xaga Saxaafada iyo farsamada iyo qalabka warbaahinta ka masuul ahaa Cabdulaahi Afgaab

Waxaa si aada uga dhexmuuqday Kulanka dhamaan qaybaha Bulshada oo agu horeeyaan Mashaa'ikhda gacanta ku haya Dacwada ka dhex bidhaamasa shacabka Soomaaliyeed ee walhadka ku ah dhamaan Daafaha Dunida siiba kuwa  wadankan Mareekanka.

Waxaa aad u xiiso badnaa dadkana Soo jiitay tartankii Ardayda reer New England iyo Ohio kasoo ka faja ciyay Waalidiin badan markii la tusay sida ubadkooda loogu barbaariyay diintooda iyaga oo jooga wadankan Maraykanka.

Tartankaa ayaa waxaa aad u xiiso badnaa kii lagu tartamay Akhriska saxa ah ee Kitaabkeena Quraanka Kariimka ah Tartankan oo ay u kala matalayeen labada  reer New England iyo Ohio State labadan Arday

Daawo Sawirada Tartankii labda Arday ee reer New England iyo Ohio

Sidoo kale waxaa iyaguna aan ka maqnayn Kulanka dadka ku hawlan dayactirka Baahida Bulshada

Sidoo kale waxaa iyaguna goobjoog ka ahaa kulanka ururka dhalinyarada ee USA waxaa u hadlay Halyay Siciid oo ah nin Ordaa caanna ka ah wadankan Maraykanka.

Gabo-gabadii iyo gunaanadkii Kulanka sadex maalmood dabadeed  ayaa waxaa jaaliyada reer Boston loo soo bandhigay mashruuc ay waayadanba sugayeen oo ah meesha uu marayo dhismaha Masaajid ay Soomaalida reer Boston gaar u yeeshaan si ay uga muuqdaan Masraxyada Dacwada Islaamka ee magaalada Boston.

Waxaa Labalan qaaday in lacag kor u dhaaftay $100,000.00 lagu gudo galo hawsha masaajidka oo dhawaan la'iibiyay Dhulkiiisii oo ay ku baxday aduun dhan $250,000.00 iyada oo waliba laga faa'iideestay hoos udhaca wayn ee ku yimid qiimaha dhulka ee wadankan Maraykanka guud ahaan.

Waxaa iyana la bixiyay abaalgud koob xaga kubada Kolayga ah oo u dhexeeyay kooxaha(dhalinta) magaalada  ku waa soo ay ku guuleesteen kooxdii ku ciyarasay magaca masjid Ataqwaa.

Ugu danbayn dhamaan Muxaadarooyinkii diiniga ahaa iyaga oo maqal iyo muuqaalba ah, ha u daymo la'aan Maktabada Buugaagta ee masjidka Al-taqwaa iyo shabakadan Ceegaag qolka Diinta.

 

Waxaanu si gaar ah ugu mahad celinanaa C/laahi Afgaab oo suuro galiyay Maqaalkan
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com