shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Weeroradii khalkhal galinta ahaa ee laga waday Laascaanood oo wali sii socda.

(Laascaanood,  December 26,  2009 Ceegaag Online)

Wararka caawa naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee ku soo dhacay warqabadka Ceegaag online ayaa ku soo waramaya in magaaladaasi uu caawa ka dhacay qarax xoogan oo siwayn looga maqlayey guud ahaan magaalada gudaheeda.
 
 
Khasaaraha qaraxaasi uu caawa gaystay ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen ugu yaraan labo wiil oo dhalinyaro ah oo dhaawacooda la dhigay cusbataalka magaalada Laascaanoo,waxaana ka hor intii uu qaraxai caawa Laascaanood ka dhicin maanta la fashiliyey qarax la dhigay wada dhinaceeda maanta duhurnimadii oo aan cidna wax ku noqon lama oga ilaa iyo hada cida sida rasmiga ah uga danbaysa qaraxyani ka dhacay magaalada Laascaanood.
 
Waxaana qaraxni caawa siwayn uga naxay dadwaynaha magaalada laascaanood waxaana qaraxyani ku soo beegmayaa xili labo maalmood ka hor qaraxmiino ku dhinteen labo wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ay ku qaraxday walxaha qarxa.

Arimihan ka soo cusboonaaday magaalada ayaa waxaa si buuxda uga masuul ah maamulka Somaliland oo ku guul daraystay inay wax ka qabtaan sugida amaanka magaalada xarunta ah ee Laascaanood, arintan oo ku keeni doonta in iyagana laga saaro magaalada sidii looga saaray maamulkii Puntland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com