shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug oo heshiis horudhac ah gaadhay.

(Gaalkacyo,  December 27,  2009 Ceegaag Online)

Wada hadalo Dowladda Puntland iyo maamulka Galmudug uga socday magaalada Gaalkacyo oo ku aadanaa dagaaladii ugu dambeeyay ee labada dhinac ku dhexmaray magaalada ayaa maanta dhowr ku qodob lagu heshiiyey
 
Waxaana Qodobadaasi kala ahaayeen

1- In Heshiiskii la gaaray maalintii la joojiyey xabada,  lasii hirgaliya halkaasna    laga sii wado wadahadalka
 
2- In la magacaabo gudi madax banaan oo labada dhinacba ah oo loo saaro arrimihii Gaalkacyo ka dhacay
 
3- In dadka Soomaaliyeed ee wada dagan magaalada magaalada Gaalkacyo,ayna yihiin dad aan kala maarmin.
 
4- In amaanka Magaalada Gaalkacyo Si wada jir ah looga shaqeeyo.
5- In khadkii cagaarnaa dib loo soo cesho iyadoo loo arko in ay amaanka qeyb weyn ka qaadan karto.
 
Gudi madax banaan ee labada dhinac laga soo xulay ayaa iyagana shaqada ay qabanayaan looga hadlay kulanka maanta oo ahaa mid saacaddo badan loo fadhiyey,waxaana ka mid ahaa waxyaabihii loo diray in ay sida ugu badan uga soo waramaan sida lagu wada daganaan karo magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Waxaa Maanta magaalada Gaalkacyo Gaadhay Wafti balaadhan oo ka Socda Xukuumada puntland iyo saraakiisha laamaha amaanka waxaana socdaalka Watfigaasi lagu Sheegay inay ka Qayb Qaataan xasilinta amaanka gobolka mudug.

Xubnahan ka socday dawlad goboleedka Puntland ayaa kala ahaa Dr, Cabdi Xasan Jimcaale (Wasiirka Dastuurka, Faderaalka iyo Dimuquraadiyada), Dr, Bashiir Cali Biixi (Wasiirka Caafimaadka), Md, Cali Yuusuf Cali (Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, Dawladdaha Hoose & Horumarinta Reer miyiga), G/sare Axmed Cali Xaashi (Taliyaha ciidamada Booliska

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com