shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Rayaale oo xadhiga ka jaray Dugsiga tababarka shaqaalaha Dawl-ada ee magaalda Hargaysa

(Hargaysa,  Dec 07,  2009 Ceegaag Online

 

Waxaa magaalda Hargaysa laga hirgaliyay Macadkii ugu horeeyay ee lagu tababarayo ama khaas u ah tababarka shaqaalaha dawlada.

Magaalada hargaysa ayaana yeelan macad noocan oo kale ah tan iyo intii uu ka dhacay dagaalkii sokeeye ee ka dhanka ahaa xukuumadii milatariga ee dhexe bilowday Jimcihii May 27 1988.

Macadkan oo Maamulka Somaliland ku taamaysay inay hirgaliyaan ayaa ugu danbay lafuray shalay waxaan xafladaa ka hadlay Gudoomiyaha hay`ada shaqaalaha dawlada Md C/raxmaan Cadami, Madaxa Tababarka shaqaalaha dawlada Md Maxamed Mixile Boqore iyada oo markii danbe codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Madaxwayne Riyaale oo sheegay inay himaladiisa ahayd inuu hir galiyo macad noocan oo kale ah mar uun.

Hirgalinta macadka ayaa ah arin aad muhim ugu ah Maamulka. Dhaqaalaha Ku baxaya Hawlaha Macadka ayaa waxaa bixin doona dawlada deriska aynu nahay ee Itoobiya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com