shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

War Saxaafadeed ay Soo Saareen Beesha Ma Dhibaan Gabooyey

(Buuhoodle,  December 25,  2009 Ceegaag Online)

Afhayeenka Beesha Gabooyey Saleebaan Faarax Galaydh Dhagayso

Waxaa Maanta Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ka Soo Saaray War Saxaafada loogu tala Galay Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Ma dhibaan ee Loo Yaqaano Gabooyaha Waxaana Warsaxaafadeedkoodaasi lagu Taageerayey Suldaanka Beesha gabooyey ee Suldaan Nadiif Saydh Jibriil Laguna Beeniyo in Meesha ma Dhibaan laga Bedelay magacoodii oo laga Dhigay Kuul Caro
 

Magacyada Waxgaradka Maanta Soo Saaray War Saxaadafeedka
 
1 Afhayeenka Beesha Gabooyey Saleebaan Faarax Galaydh
2 Cabdi Cali Diiriyey
3 Jamac Guray Ducaale Tuur tuur
4 Xaliyey faarax
5 Muxiyadiin Faarax
6 maxamed faarax
 
Waxaana Sidoo kale Baaqyo taageero ah Na Soo Gaadhsiiyey Waxgaradka iyo Cuqaal badan oo kamid ah Beesha oo Sheegay inay taageersan Yihiin Suldaan Nadiif Sayd Jibriil oo ah Suldaanka Beesha Waxaana Waxgaradkani Maanta u Sheegeen inay aad uga Xun Yihiin nin Sheegtay oo inuu Suldaan Sheegtay inuu yahay Beesha habaryoonis oo Wada Qorshe uu ku Doonayo  inuu Meesha ma Dhibaan ka Dhigo kuul Caro Waxaana Waxgaradkani Sheegeen inay aad uga Xun Yihiin Waxkan ka Soo Yeedhay Ninkaasi Waxaana Waxgaradkani Maanta ugu Baaqeen Dhamaan Caalamka iyo Maamulada inay aad uga Xun Yihiin Warkaasi La Doonayo in magaca Beesha Gabooyey lagu bedelo oo la Doonayo in laga Dhigo Kuul Caro Waxaaa Ay Sheegeen inaanay Marnaba Warkaasi u Dul Qaadan Dooni Waxaana ay Sheegeen Magaca Beeshu imuu yahay ma Dhibaan
 
 
Dhinaca kale dhalinyarad iyo dhamaanba Bulshada Beesha Ma Dhibaan oo Siyaabo kala Duwan ula Soo Xidhiidhay Warbaahinta ayaa Sheegay in magacoodu yahay ma dhibaan dadka Wada in habaryoonis laga dhigana aanay u Dul Qaadan Dooni Warkaasina yahay War aan sal iyo Raadlahayn

Cali Dhagjar

Wariyaha mandaqada Hawd, Buuhoodle
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com