shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ma ilaawi doono Xasuuqaa (We will not forget December 3, 2009)

(Boston  Dec 06,  2009 Ceegaag Online)

North America Somali Students Union

We will not forget December 3, 2009

TACSI

Anigoo ku hadlayo magaca Ururka Midowgga Ardeydda Soomaaliyeed  ee Waqooyigga America waxaan TACSI kal iyo laab ah u dirayaa dhamaan  Ardeyddii, Macalimiintii, Aqoonyahaniintii, Waalidiintii iyo Masuuliyiintii ku geeriyootay   Qaraxii  naxariista darnaa ee loo geestay  Khamiistii la soo dhaafay  bishu aheyd  December   3, 2009.  Waxaan  oroneynaa intii ku dhaawacantay  “Ilaahey  caafimaad deg dega  ha idiin siiyo Allahuma Aamiin yaaRabi”

BAAQ DEG DEG AH

Sidoo kale waxaan ka codsanayaa dhamaan Ardeydda Soomaaliyeed  ee ku nool dibadaha in ay sameeyaan dhowr shay oo muhiim u ah Taageerada dhamaan Ardeydda Soomaaliyeed ee magaaladda Muqdisho iyo dhamaan dadkii wax ay ka soo gaareen dhibkii dhacay Khamiistii Dec 3, 2009.

1.   Meel walbo oo ay joogaan Ardeydda Soomaaliyeed in ay sameeyaan kulamo deg deg ah oo looga hadlayo dhibkii dhacay.

2.   In la sameeyo banaanbaxyo lagu muujinayo in uu isku xiran yahay dareenka Ardeyadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan.

3.   In loo aruuriyo dhaqaale (intii awooda) dadkii ay wax ka soo gaareen dhibkaas.

Waxaan ka rajeyenayaa dhamaan Jaaliyaddaha Soomaaliyeed iyo Ardeydda meelwalbo oo ay joogaan in lagu dhaqaaqo fulinta qodobadaas kor ku xusan.

 

Halheeskeenu waa:

Ardeydu waa walaalo, Macalimiintuna waa waalidiintii.

Abdulkadir Hindi

NASSU President

abdulkadirhindi@allnassu.org

www.allnassu.org

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com