shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Puntland oo ka hadashay Socdaalkii Faarax Macalin Dawaara ee Laascaanod.

(Garoowe,  December 29,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo labo Maalin ka hor magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool booqasho aan horay loo sii shaacin uu ku yimid gudoomiye Kkuxigeenka Baarlamaanka wadanka Kenya Mudane Faarax Macalin Dawaara ayaa  Waxaa markii ugu horaysay booqashadiisa  ka hadashay Dawlad Goboleedka Puntland, iyadoo War Saxaafadeed loogu tala galay laga Soo Saaray aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garoowe.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan tahay in ay dawladdaha Geeska Africa ay ka fiirsadaan talaabooyinkooda ku wajahan Gobalka Sool oo ay isku hayaan Somaliland iyo Puntland.

Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Maamul Wanaaga Maxamed faarax Ciise Gaadhaa oo la hadlay saxaafada ayaa ku eedeeyey gudoomiye Kkuxigeenka Baarlamaanka wadanka Kenya Mudane Faarax Macalin Dawaara in uu gacan siinayo in ay Somaliland, ka go’odo Soomaaliya, isagoo sheegay in talaabadii uu ku soo gaadhay Laascaanood ay noqoneyso mid la doonayo colaad in laga abuuro Soomaaliya iyo kicin dadweyne,Waxaana booqashada Faarax Macalin ee magaalada laascaanood ku tilmaantay Maamulka  Puntland faragalin, isagoo  wasiiru dawluhu shegay in Maamulka Puntland ay Canbaaraynayso booqashadaasi.

Dhinaca kale wasiiru dawlaha ayaa sheegay in maamul Goboleedka  Puntland iyo dawlada Kenya uu ka dhaxeeyo Xidhiidh Wanaagsan lama oga sababaha ilaa iyo hada keenay in Faarax macalin booqasho kutago magaalada laascaanood oo ah Xarunta gobolka Sool.

Cali Osmaan Yuusuf (Cali Dhagjar)

Wariyaha mandaqada Hawd, Buuhoodle
 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com