shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xukuno qisaas ah oo lagu fuliyay dad ku xadgudbay xuduuda ilaahay magaalada Afgooye sida ay na farayaan Xisbul Islaam

(Afgooye,  Dec 14,  2009 Ceegaag Online)  

Ururka Xisbul islaam ee maamula Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa shalay  xukuno kala duwan ka fuliyay degmadaas, ku waas oo qaarkood ahaa kuwii u horeeyay ee ay fuliyaan.

Xukumada ayaa isugu jiray Xukun dil qisaas ah iyo Rajmin lagu kala fuliyay labo nin halka haweeney kale lagu fuliyay Xukun Tacsiir ama garbaash gaaraya 100-garbaash, kadib markii ay Sineysatay.

Saraakiisha Maamulka Degmada Afgooye ayaa sheegay in xukumada ay fuliyeen ku saleeyeen shareecada Islaamka, waxaana Maxamed Abuukar Ibraahimn ay sheegeen inuu Sineysatay, isla markaana uu horay Guur u soo maray,() ku fuliyeen xukun dhagax ku dilid ah.

Waxaa ka loo isla goobta lagu dilay Axmed Maxamuud Cawaale  oo isna horay dil uga geystay Afgooye, kaasoo meel fagaare ah lagu qisaasay, waxaana ka qeyb galay oofinta Xadkaas kala duwan kumanaan dadweyne oo saaka cod baahiyeyaal lagu rakibay gaari ahaa mid lagu ogeysiiyay in ay ka soo qeyb galaan.



 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com