shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Safiirka dawlada Masar u fadhiya Soomaliya Pro. Siciid Maxamed Al-masri oo u sheegay Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya inay yihiin Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya

(Hargaysa,  Dec 06,  2009 Ceegaag Online

Safiirka dawlada Masar ee Soomaaliya oo booqasha ku jooga Caasimada labaad ee Soomaaliya Hargaysa ayaa saxaafada reer Hargaysa oo si kulul u waydiiyay su'aalo la xidhiidha gooni isutaaga reer Waqooyiga ayaa u shaagay in dawlada Masar aysan u kala saarin Soomalida Waqooyi iyo Koonfur balse ay Soomaliya ay tahay hal wadan oo kaliya.

Hadaladan ayaa waxa ay ka cadhaysiisay dad waxmagaroto Cuqdadi dhaamisay oo ku jahwaraarsan Dooxooyinka Qabyaalada  kooxahan oo si aada u garab maray macnaha Saxaafada iyagoo ku shibiro waaqleeyay Safiirka.

Shirkan jaraa'id oo ka dhacay Hodheelka Mansuur ayaa safiirku ku waadixiyay siyaasada dawlda masar isaga oo yidhi “Masar waxay shacabka Soomaaliyeed ula dhaqmaan sidii shacab keliya, umana kala saaraan Soomaalida waqooyi iyo Soomaaliyada koonfureed, taasina waa dhab”

Su'aalihii la waydiiyay Safiirka oo aanu kasoo minguurinay Jariidada JAMHUURIYANA waakuwan.

Su’aal: Somaliland ma waxaad u timi adoo u haysta inay Gobol Soomaaliya ka mid ah, mise wax kale?

Jawaab: Masar waxay shacabka Soomaaliyeed ula dhaqmaan sidii shacab keliya, umana kala saaraan Soomaalida waqooyi iyo Soomaaliyada koonfureed, taasina waa dhab.

Waxa laga yaabaa hadalkaygaas inaannu ahayn hadal aragti ah, magacyada lala baxayna marka laga joogsado dhinaca walaaltinimada maaha aasaaska iyo seeska, waxaan ku odhan lahaa anigu waxaan ahay safiirkii Masar ee Soomaaliya, waxaanan la kulmayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya kay doonaan ha ahaadaan koonfur amma waqooyi.

S: Shacabka Somaliland wuxuu khaati ka joogaa siyaasadda Masar ee hortaagan goonni-isu-taaggooda maxaad ka leedahay arrintaas?

J: Maaha inaynu ku noqnoqono su’aalo aan muhiim ahayn, waxaan mar labaad kuugu celinayaa inaan anigu ahay safiirka Soomaalida oo dhan, iyaga oo aan la kala qaadin koonfur iyo waqooyi. Xidhiidhka Soomaalida iyo Masarna waxay lahaayeen xidhiidh dheer, Somaliland iyo Puntland waxay u yaqaanaan dhulkii udugga

Waxaan intaa kuugu darayaa anigu ma ahi safiir dawladda ajnebi ah ee waxaan ahay safiir dawlad aad walaalo tihiin, su’aashaa aad i weydiisay waxay ku qurux badnayd in la waydiiyo dawlad shisheeye ah.

S: su’aasha aasaasiga ah ee aanu kaa doonaynaa waa inaad caddayso mawqifka Masar ee ku waajahan Somaliland?

J: anigu umaan iman inaan caddeeyo mawqifka dawladda Masar ee Somaliland, waxaanse u imi inaan caddeeyo xidhiidhka iskaashi, sheeko kale ayaad ila gasheen, waxaad I weydiisay su’aal aan muhiim ahayn, su’aasha aad iwaydiisayna ma waafasana xeerarka saxaafadda. (inta uu safiirku cadhooday ayuu miiska ka kacay, balse wada hadal ka dib, waxay suxufiyiintu ku qanciyeen inuu fadhiisto oo uu waraysiga dhamaystiro.)

S: Tan iyo 2001-dii Masar ma siiso deeq waxbarasho Somaliland, waxaanay shardi uga dhigtaa in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya aqbasho, ma jirtaa arrintaas?

J: Deeqaha waxbarasho ee aannu Soomaalida siino oo aan anigu masuul ka ahay, waxaannu u qaybinaa dhammaan Soomaalida, koonfurta iyo Puntland, cidna gaar uma laha, Ibraahim Cadow [Wasiirkii Tacliinta Sare ee Soomaaliyda ee ku geeriyooday qaraxii Muqdisho] ka hor intaanu dhiman laba toddobaad wuxuu i weydiiyey deeqihii waxbarasho ee Somaliland loogu talogalay, markaa sidaan su’aashaas u fahmay waxba kama jiraan.

S: Yaad kala soo xidhiidhaan deeq waxbarasho ee aad Somaliland ugu talogasheen?

J: Kama hadlayo Wasaarado Waxbarasho ee deeqaha waxbarashada waa loo siman yahay, ciddii u soo horumartana way helaysaa, ilaa iminka laakiin ma jiraan tiro go’an oo Soomaalida loogu talogalay.

S: Maxay tahay ahmiyadda ay Masar ka leedahay mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya?

J: Dawladda Masar tan iyo markii dhibaatadu ka bilaabtay Soomaalida doorka Masar maaha mid meesha ka maqan, iminkana muddo bilo ah gudahoodna Masar waxay goostatay inay ka shaqayso, dib-u-hehiisiinta Soomaalida ilaa iminkana yididilo ayaanu ka qabnaa, annaga oo la shaqayneyna dawladaha caalamka ee daneya arrimaha Somaliya, gaar ahaan kooxda la yidhaahdo ‘Contact Group’, kana daali mayno ilaa aannu ka biyo keenayno.

S: ka waran Cadaawada ay dawladda Masar u hayso Somaliland?

J: … Maya, maya cadaawadi ma jirto, ereygaasina kuma habboona meesha ee waxaan u imi oo keliya inaannu horumarino xidhiidhka walaalahayo reer Somaliland ee umaan iman su’aasha aad i waydiineyso.

S: Sida uu qoray aqoonyahan reer Masar ahi Carabtu waxay dhegaha ka fureysatay Somaliland iyaga oo ku adkeysanaya midowgii Soomaaliya, Somaliland-na waa fursad ay lumiyeen, arrintaa maxaad ka leedahay?

J: Horta ninkaa aad sheegayso ma garanayo, aniguna masuul kama ahi dawladaha kale ee Carabta oo waa wax iyaga u gaar ah.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com