shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaarkamida madaxda Sahnuuniyiinta oo xabsiga loo taxaabidoono hadii ay cagadhigtaa Boqortooyada Ingiriiska

(London,  Dec 15,  2009 Ceegaag Online)

  

Wasiika arimaha dibada Tzipi Livni ee kooxaha dhiigyocabyada ku amar tukaaleeya dhulka Falastiiniyiinta oo loo jaray warqada rusqada xadhigooda hadii ay soo cago dhigtaan cariga Boqortooyada Ingiriiska.

Qorshaha lagu ciqaabayo kooxan hor booda Sahnuuniyada ayaa waxaa ka danbeeya muwaadiniin reer Falastiin ah oo ku dhaqan wadanka Ingiriiska.

Sababaha loo cugsanayo Xadhiga lagu gaadmareenayo kooxan ayaa waxay salka ku haysaa xasuuqii ka dhacay magaalada Qaza ee wadanka Falastiin, aagagan oo ay Boqortooyada Ingiriisku sharci ahaan ka masul tahay maadaama aysan xornimo gaadhsiinin balse ay ka fara maroo jiyeen Urdiniyiinta oo markii danbana ka iibiyay Sahnuuniyiinta.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com