shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hogaamiyaha Kooxo Diimeedyada Suufiyiinta oo iyagana looga yeedhay Adisababa

(Adisababa,  Dec 21,  2009 Ceegaag Online)

Sh.Maxamuud Sh.Xasan Faarax ayaa isu dhiibay dawlada Itoobiya halkii uu isugu dhiibi lahaa Boqorka awooda badan ee ina khalqay.

Hogaamiyaha Suufiyiinta Gobolada dhexe ee Soomaaliya oo miciin biday Itoobiya isaga oo wacad ku maray inuu la dagaalami doono dawlada Soomaaliya hadii aysan u aqoonsan ama kala soo xidhiidhin arimaha gobolada ay gacanta ku hayaan, dawlada Soomaaliya oo haatan ka guulaysan rabta Kooxaha diin ku qadhaabtayaasha ee ka soo hor jeeda.

Sheekhan ayaa shalay la shiray Wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya!!!!!!!!!!!! isagoo Sheekha loo sheegay inaanay la sheqeen dawlada Soomaaliya. Si aan Soomaaliya dawladi uga hir galin.

Dhainaca kale warar isasoo taraya ayaa sheegaya inay dawlada Itoobiya si aada ugu lug lahayd qaraxii Hoteel Shaamoow.

Dawlada Itoobiya ayaa hada doonasa inay ku fidiso awoodeedda gobolada Koonfureed ee Soomaaliya oo iyagu ka madax banana Amarada Itoobiya halka sitoos ah looga amar qaato Itoobiyo Maamulada Puntland iyo Somaliland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com