shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir Baroordiiq iyo dhaqaale u ururin ah  oo jaaliyada Boston ku garab istaageen dadkooda Soomaaliyeed siiba reer Muqdisho.

(Boston,  Dec 20,  2009 Ceegaag Online

Waxaa qolka shirarka ee masjidjaamaca Boston ka dhacay  shir baroordiiq ah oo lagaga gilgilanayay falkii foosha xumaa  ee lagu xasuuqay maskaxdii Soomaaliyeed ee lagu wareemay Hodheel Shaamoow.

Waxaa furitaankii xaflada ka dib lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha Tito Jackson oo ah nin madax ka ah gudiga doorashada ee Badhasaabka gobolkan Massachusets, Deval Patrick. Ergaygan oo Jaaliyadu fariin u fartay badhasaabka oo aad isugu dhaw yihiin madaxwayne OBAMA.

Fariintaa oo ahayd in loo sheego madaxwaynaha Maraykanka in dadkii doortay ee Soomaalida Maraykanka ahi doonayaan inuu Soomaaliya nabadeeyo intii karaankiisa ah, Ergaygan kasocdey Badhasaabka gobolka Massachusetts ayaa loo sheegay inuu fariintaa gaadhsiiyo Badhasaabka, si Badhasaabkuna madaxwaynaha u gaadhsiiyo. Tito oo isna madasha ka hadlay waxa uu yidhi.    Dhagayso

Waxaa xaga qadka taleefoonka isna shirka uga soo qayb galay Eng. Muqtaar Axmed Cusmaan oo ah nin aad u garanaya dadkii ku hoobtay qarixii Muqdisho  Dhagayso

Waxaa iyana Goobta ka hadashay Deeqo Jibriil oo waliba ka gabayday waxayna tidhi Dhagayso

Waxaa kaloo goobta furay shirkana daadihinayay Macalin Warfaa oo yidhi Dhagayso

Cabdulqaadir Hindi oo ka warbixinaya siday u abaabuleen shirkan waxa uu yidhi i Dhagayso

Waxaa iyana goobta ka hadlay masuuliyiintan

1. Cabdiraxmaan Yuusuf Dhagayso

2. Cabduqaadir Yaasiin Dhagayso

3. Cabdulaahi Madeey Dhagayso

Waxaa isna warbixin fariina soo gaadhsiiyay shirka Cabdi Dheere oo yidhi Dhagayso

Ugudanbayntii waxaa lagu soo dhaweeyay qaarkamida mushaaikhda magaalada maadaama ay wadaadada baryahan fartu ku godon tahay si ay u waadixiyaan waxa diinta Islaamku ka qabto Daadinta dhiig Islaam oo lagu daadiyo xaqdaro

1. Sheekh Yuusuf Dhagayso

2. Sheekh Tawakal Dhagayso

Intaa dabadee waxaa la go'aan saday in dadku bixiyaan lacag kaalmo ah oo dhan $6000.00 iyadaa badankeeda isla goobta lagu bixiyay.

Daawo sawirada intooda kale iyo waliba Buug tacsi saxeexida

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com