shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Safiirka dawlada Masar ee Soomaaliya ayaa ka dhoofay Hargaysa maanta gaadhayna Boosaaso

(Muqdisho,  Dec 07,  2009 Ceegaag Online

Sawfiirka dawlada masar ee Soomaaliya Pro. Siciid Maxamed Al-Masri ayaa baryahan socod ku maraya gobolada Soomaaliya, Safaradan ayaana la garanayn waxa ay salka ku hayaan balse waxaa marag madoonto ah in Safiirku muujiyay inuu Soomqaaliya kolba Magaalo booqdo iyada oo Madaxwayneheeduna uusan lahay Awood uu ku booqdo qaarkamida  Xaafadaha Caasimada Muqdisha.

Safiirka Masar ayaa muujinaya xidhiidhka 4000 kun jirsaday ee u dhexeeya labada Shacab ee Masaarida iyo Kushitaga Puntiyiinta ah(Soomaaliyiinta).

Safiirka ayaa sheegay in  dawladiisu ka caawin doonoto Puntland xaga waxbarashada iyo caafimaadka, aadna ula maqsuuday nolasha Jaaliyada masaarida ee Boosaaso.

Safiirka waxaa Soo dhaweeyay Masuuliyiinta Gobolka Bari iyada oo isla Caawana La toogtay Imaamkii Masaajidka Al-Rashiid.

Booqashada Safiirka iyo Dilka Wadaadka ayaa waxaa cad in lagu muujiyay Awood darada Maamulka bahwadaagta Puntland.

Iyada oo aan Hargaysa ama Maamulka reer Waqooyigu ku fara adeegeen amaanka intii safiirku Joogay Hargaysa.

Maamulka Puntland ayaa guud ahaan ku guul dareestay Sugudi Amaanka Gobalada uu ka taliyo iyada oo dhinaca kale dad u hanqal taagayaan inuu soo ceshada Laascaanood oo haatan soo celinteedu riyo isku badashay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com