shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mahad Celin ay Ardayda Masjid Altaqwa hawada usoo marinayaan dhamaan Bulshada Islaamka ee reer New England siiba kuwa Soomaalida

(Boston,  December 31,  2009 Ceegaag Online)

Walaalayaal marka koowaad, Mahad dhamaanteed waxay u sugnaatay Allah oo ina siiyay Awooda, Dulqaadka iyo Kartida aan ku dhamayskatirnay Mu’tamarkeennii 4aad ee Nus-Sanadlaha dhallinyarta reer New England ee Somaliyeed inuu ku dhammaado si fiican. Marka labaad, waxaanu aad isugu dhuldhigaynaa oo na taabatay dhamaan howlkarnimadii ay hooyooyinkii iyo gabdhaha walaaleheen ahi ugu istaageen diinta Allah dhinac kasta marka laga eego (hadday tahay Cunto Karin, Nadiifin, iyo soo dhoweynta martida…iwm).

Waxaanu kaloo mahadinaynaa ardayda Attaqwa students oo ku bixiyay waqti iyo shaqo badan oo aan daal lahayn Mu’tamarka (oo ay ku jiraan kuwo ka shaqeeyay Sugida Amaanka, Barxadda Baabuurta, Farsamoyaqaanno, Darawalo, iskudubarideyaal iyo maamulaha guud ee shirka Muxamed Buulle).

Ku darsada oo, waxay noo tahay yididiilo iyo farxad aan lasoo koobi Karin iyo weliba wax lagu diirsado kuwii saaxiibadood la tartamay oo haddana kusoo baxay heersare weliba ayagoo mashquul ah. Intaa kadib, Waxaanu si xushmadi ku jirto ugu tahniyaynaynaa shuyuukhdeenna iyo culimada meesha weyn uga jira bulshada Soomaaliyeed iyo shaqada ay ummadda u hayaan oo ah guul nool oo jirta. Xaqiiqatan walaalaha martida noo ahaana waxaanu leenahay Walaalayaal waanu idiin hanweynahay maxaa yeelay waxaad jeceshihiin Allah iyo diintiisa oo aad darteeda uga timaadeen Portland, Lewiston, Ohio iyo Minneapolis si aad u aragtaan guri guryaha Allah ka mid ah oo lagu barayo, laguna baranayo diintiisa.

Waxaa aad u xiiso badnaa dhamaanteenna aan aragnay waa muuqaalka quruxda badnaa ee uu lahaa Mu’tamarka iyo sida waxkastaaba ugu sugnaayeen sidii loogu talogalay. Wuxuuna xaqiiqatan ahaa mid ugu sita Mu’tamaradii aan soo aragnay sanadahanba. Qiimayn gaarana Mu’tamarka waa uu leeyahay maxaa yeelay ka qaybgaleyaashiisu waxay ka kala yimaaddeen dacallada dalkan, isku xidhnaansaha ka jirayna ladhig malaha, ujeedooyinkiisa la xaqiiqsadayna waa weynyihiin. Waxaa cajiib ah, inaynu ku aragnay indheheenna in bulshada waxa keliya oo isu wada keenikaraa uu yahay diinta Allah keliya taasoo ay markhaati u tahay isku dumankii la arkay.

Walaalayaal, taariikhda uu ku bilaabmay Mu’tamaradan oo kale haddaanu idin xasuusinno, waxay ahayd jiilaalkii sanadkii 2006 markii Attaqwa students uu kutubta uga bilaabay Masjid Attaqwa sheikh Abdirizaq Xaashi oo ahaa xoogga dhaqaajiyay dacwadda dhallinyarta soo baraarujisay. Bilo yar kadib, waxaan xaqiiqsanay inay walaalaha gobollada kale sideenna oo kale u baahanyihiin inay dacwaddii bilaabaan oo bartaan diinta Islaamka taasoo ilmekasta oo Muslim ahi u baahanyahay. Baraaruggaas Boston ka bilaabmay ayaa hadda dalkan badankiisa wada gaadhay waana Allah mahadiis. Mu’tamarkani wuxuu dhici jiray laba jeer sanadkii wuxuuna kuqabsoomi jiray gobollada New England ee Mass iyo Maine haddana lagu wado in Ohio lagu daro inshallah.

Haddaba, Mu’tamarkani oo ka dhacay Boston (Diisanbar 25-27, 2009) waxa uu ahaa midkoodii ugu fiicnaa intii uu soo jiray. Waxaa ka qayb qaatay Shuyuukh badan oo cilmi aan uga faa’iidaysanay oo uu hoggaankooda ahaa Sheikh Cabdullaahi Ibraahim oo nooga yimi magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Wuxuuna ahaa sheekhu mid uu iftiimayo hadalkiisu ayna ka muuqatay deeqsinimo xagga bayaaminta ahi. Waxa kale oo uu dheeraad u lahaa cilmi lexaad leh kaasoo nasiisay inaan ogaanno baahida Islaamku inay marwalba taagantahay.

Sii wadoo, tartamo u dhexeeyey gobolka Ohio oo dhan ah iyo reer New England oo dhan ah ayaa ku jiray (Qur’aan, Nukhbah, Qawaacidul Fiqhi iyo Waraqaat) iyo weliba ciyaar kubadda cagta ah oo dhexmartay 8 kooxood oo 4 reer Boston yihiin. Guushii kutubta waxay raacday kooxdii New England koobkii kubaddana waxaa qaaday kooxdii Attaqwa students ee Boston. Walaalayaal waanu idiinku hanbalyaynaynaa guushaas aad soo hoyseen. Waxaanu kaloo u hanbalyaynaynaa walaalaha dedaalay ee noqday kaalinta labaad ee waxyar looga badshay xaqiiqatan waxay ahayd xaalad guul ahayd labada jeerba.

Allah ayaan naxariistiisa waydiisaynaynaa inuu siiyo dhamaanteen kuwii shaqeeyay, kuwii dhegeystay, kuwii khudbeeyey, kuwii soo socdaalay, iyo kuwii ka qaybgalay ee kadhigay inay xafladdani qabsoonto. Allah ayaan weydiisanaynaa inuu noo denbidhaafo oo uu naga dhigo kuwo ka shaqeeya diintiisa faafitaankeeda. Allah naxariis badan ha siiyo hooyooyinkii cuntada noo karinayay iyo gabdhaha iyo wiilasha sida hagrasho la’aanta u wada shaqaynayay oo dayactiray Mu’tamarkana u guntaday. Allah ha u naxariisto culimada siiyay waqtigoodii iyo kartidoodiiba inay nagu baraarujiyaan diinta Islaamka. Aamiin.

Cabdulqaadir Faarax

Ardayda Attaqwa


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com