shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Tacadiga iyo Dhibaatadda Soomaaliya goorma laga Nasan doona.

(Bosaaso,  Dec 11,  2009 Ceegaag Online)  

Maanta waxay Taariikhdu ku beegantahay 10-Dec-2009 waxaana Dunida oo idil laga Xusayaa xaaladaha Xuquuqul Insaanka ee Caalamka hadaba aniga oo doonaya inaan Hadalkayga ku Abla-ableeyo Xaaladaha Siyaasadda,Dhaqaalaha,Bulshada iyo Xuquuqul Insaanka ee soomaaliya waxaan jeclahay inaan Adeegsado Cadaymo iyo Daliilo asal u noqon kara Heerka ay marayso Xaalada Soomaaliya.Calooshood u shaqaystayaal iyo Dad obo' ah ayaa Soomaaliya Maanta heerka ay marayso Gaarsiiyay Taasina waa mid marag ma doonto ah.
 
Intaanan faalayn Qoraalkayga waxaan xusi lahaa in Shir looga hadlayo Xaalada soomaaliya uu hadda ka socdo Magaaladda Mombasa ee Dalka kenya,Shirka Mombasa waxaa ka qaybgalaya Qurbajoog soomaali ah iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed oo iyagu ka dhiidhiyay Xaaladaha uu Maanta Dalka Soomaaliya marayo,Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Hay'ad Cadaan ah oo la dhoho CRC waxaana loogu talo galay in Talooyin looga Soo jeediyo Dhibaatadda Soomaaliya sida looga Bixi karo Maadaama maanta Dalkii u baahanyahay samatabixin,inkastoo aan xasuusin lahaa Akhristayaasha Sharafta leh in"Dalkasta waxaa khayraad u ah Dadkiisa" anoo u la jeeda Maanta Soomaali ayay Talo u taala.
 
Kufsiga,Dilka,Dhaca,Islaamka oo laga beensheego waxaa laga helayaa Gobolka Xasaraduhu aafeeyeen ee ku yaala Geeska Africa(Soomaaliya),Inkasto ay Soomaalidu tahay Dad islaam ah 100% hadana waxaa lagama maarmaan ah in la isku dhaqo Shareecadda Islaamka balse waxaa ah wax laga Dhiidhiyo ka beensheegida Kitaabka alle Subxaanahu watacaala taasina waxay noqonaysaa mid Halaag uu uga Siyaado Umadda Soomaalida,In la gumaado Maato ma aha Bani'aadanimo mana aha Soomaalinimo ee waa alla ka dheeraansho taasi waxaan uga Jeeda Dhibaatadda xuquuqda Aadanaha ee ka jirta Soomaaliya.
 
Waxaa wax lala yaabo ah Shirka hadda Soomaalidu u fadhido Mombasa waxaa lagu Casumay Khabiir Rwandise ah oo ka sheekaynaya Xasuuqi Rwanda iyo sida ay Maanta Nabadda u tahay Rwanda oo lagu Laayay in ka badan 160,000 oo qof iyadoo waliba ay ahayd Labba Qowmiyadood oo kala Diin ah,kala dhaqan ah,kala af ah(HUTU-TUTSI),Waxaan soo xasuustay Gabay Dardaaran ah oo Sayid Maxad u jeediyay Umadda Soomaaliyeed Gabagabadii Halgankiisa hadaba Maankayga ayaa uu ka soo duxday wuxuuna Yidhi:-
 
Dingaraaradii nagu dhacdiyo, diiftii nala taartay
Dayuurado gaawan iyo wixii, nala dul gawriirshay
Waagii dillaacaba wixii, naga dul meeraayey
Isagoo sii wata wuxuu Sii yidhi:-
 
Nin dooriyo wixii sheikh la dilay, culumadii diinka
Wixii duubcaddii ay wadhnayd, Bixin duleedkeeda
 
Hadaba Soomaali oo isku af ah,Diin ah,Dhaqan ah ma heshiin la'adahay,Talooyin badan oo ka yimid Beesha caalamka ayaa waxaa loo jeediyay Soomaalida Laakiin marka laga Hadlayo waxa loo yaqaano National Unity oo maanta Soomaali lagu kari la'yahay waxaa la Isticmaala Aarada Markasta noqota waxa afka Qalaad lagu yiraahdo National Integration waxaana Sal u noqon kara waa Qodobadan soo socda(1-Calan midnimo 2-Dhaqan iyo Ideology isku mid ah 3-Khayraad si isku mid ah loo qaybsado iyo Qodobo kale) Laakiin wixii Undermineka ku sameeyay Soomaali waa (Nepotism-Ninjeclaysi,Trabilism-Qabyaalad, iyo Hadaan si kale u dhigno waxa loo yaqaano Dictatorship-Kalitalisnimo) taasi oo aan dhihi karno waxay Gundhig u noqon karaan Qoqobka iyo Kala daadsanaanta Umadda Soomaaliyeed.
 
Inkastoo aanan Doonayn inaan ku sii Dheeraado Dhibaato dhacday hadana waxaan Jeclaan lahaa inaan Oraahdayda ku soo Gunaanado Maxay soomaali isugu Imaankartaa si looga Nasto Dhibaatadda Jirta oo noqotay Mushkilad Gaamurtay xaqiiqdi,Aniga oo horay u soo sharaxay sida ay umad isugu Imaan karto ayaan hadana leeyahay waxaa jira Macdar qarsoon oo Umadda Soomaaliyeed iska Indhatirtay waa waxa loo yaqaano Natural Resource oo ay Somalidu iyagu Isticmaali karaan,Cadde muuse waxaan ku bartay Odhaah ahayd "Dadka Fakhri iyo Gaajo ayaa isku dirtay" taasina waa wax run ah oo haddii ay jirto Utilization of Local Resource waxaa dhici lahayd inay xaaladu sidaan ka qabownaan lahayd,Runtiina waad aragtaan oo Soomaaliya Xeebeheedi waxaa ka dilaacay Burcad badeed balse waxaa la yaab ah Khibradda ay Burcad badeedu samaysay oo waxaa jirtay Wakhtigii Gumaysiga Africa in Wadamadda Reer yurub ay raadinayeen Short route ay ka galaan India taasna waxay ka soo dhowaatay Dhul soomaali leedahay oo u dhaw Xeebta Obokh ee Deegaanka Baabulmandab,Maadaama Maraakiibta ka soo wareegaysa Gacankii Rajadda(Cape of hope) ee South of africa ay ka fududahay inay Jointska Oceanka iyo Redseaga helaan.
 
Mid taasi la mida Budhcadu waxay xirteen Jointskaas yarka ah ee isku xiraya Redsea iyo Indian Ocean oo u dhaw Xeebta Soomaaliya halkaasi oo ah Marin muhiim u ah Ganacsiga Caalamka.....Laakiin caruurtii soomaaliyeed ayaa Macaluulaya Burcad badeeduna waxay Bulshadda caalamka Tusayaan in Soomaalida Qaarkood ay yihiin kuwo Maxishoodayaal ah oo waxba Danayn.
 
Si kastaba ha ahaate Siciid shire oo ah Qoraaga Buuga hogaamiye ayaa ii sheegay in uu Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya kula kulmay Labbo bilood ka hor intii aanu kacaanku la wareegin Taladda Dalka Sheekh Maxamed Ciise Guduri oo ahaa sheekh wayn oo si wayn ay soomaalidu u taqaanay isagoo xusay inuu sheekhaasi u sheegay in Magaaladda Muqdisho 21 sano loo soo qaxaayo halka 21sano oo kaleetona laga sii qaxaayo balse waxaan leeyahay ilaahay Towfiiqda hana waafajiyo.
 
Abdirashid Mohamed Daahir
lacle1004@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com