shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

URURKA  JRM TACSI U DIRAYA DHAMAAN EHELADII AY KA GEERIYOODEEN  WASIIRADII ,ARDAYDII,  WAALIDIINTII SIDA FOOSHA XUN LOOGU XASUUQAY HOTELKA SHAAMOW EE MAGAALADA MOGADISHI

(Muqdisho  Dec 04,  2009 Ceegaag Online)

Ururka  JRM ayaa Tacsi u diraya Dhamaan , wasiiradii,ardaydii, Culimadii iyo waalidiintii ku geeriyooday xasuuqii sida arxan darada ahaa loola beegsaday  qalinjabintii Ardayda Soomaliyeed ee ka dhacaysay Hotelka Shamoow ee Maagalada muqdisho.
ururka JRM ee gobolada jubooyinka ee diraya tacisadan waxay kala yihiin : 
1=gudoomiyaha ururka JRM. 
2=gudiga fulinta ee urukna JRM  ee gobolada jubooyinka.
3=golaha dhexe ee ururka JRM ee gobolada jubooyinka.
4=golaha dhaqanka ee gobolada jubooyinka.
5=siyaasiyiinta iyo aqoonyahaniinta gobolada jubooyinka.
6-shacabka jubooyinka

   
    Ururka JRM wuxuu leeyahay  Rabbi janno fardowso haka waraabiyo Dhamaan wasiiradii, Ardaydii ,waalidiintii ku geeriyootay Falkii foosha xumaa ee lagula kacay Ardaydaas qalinjabinaysay, samir iyo iimaana eebe haka siiyo Dhamaan Eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen.

waxay kaloo   ururka jrm tacsidooda baaq ka dhan ah raggii ka danbeyay qaraxaas waxayna yiraahdeen  waa fal si waxuushnimo leh loola beegsaday mustaqbalkii wadanka ee berrito, ayagoo  u sababeeyay heerka ay maantay ka taagnaayeen Bulshada soomaliyed waxayna kaloo yiraahdeen waxay ahaayeen Ardaydaas Iftiinkii wadanka ee berrito waxna ka badali lahaa xaaladda maantay uu wadanku maraayo. 

  Uruka JRM wuxuu  Dowladda Somaliyeed iyo caalamkaba ka codsanayaa in la daba galo dadkii ka danbeeyay soona agaasimay qaraxaasi foosha xumaa  isla markaana cadaaladda la horkeeno, waxaana dhici doonta ayay yiraahdeen maalin la is waydiin doono cid kaste waxii xumaan ahayd ee ee ay geeysatay.  

Urunka JRM wuxuu Ku baraarujinayaa  wasiirada, Ardayda kale  ee ku nool Magaalada Mugadisho in aysan  joojin dadaalkooda ku aadan waxbarashada iyo shaqada ay wasiiradu u hayaan shacabkooda  oo ay sii laba jibaaraan, maxaa yeelay waxaad tihiin iftiinkii wadanka ee berrito hadaad ka gaabisaana dadaalkiina mugdi kale ayuu wadanku sii gali doonaa.
 
waxaan ka rajaynaynaa dowlada soomaaliyeed  inay soo celiso nabadgalyadii iyo kaladambeeyntii wadanka soomaaliyeed.
 
 
Dr.Liban Hussein Osman (WAAMO)

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com