shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xerada Qaxootiga ee Xagadheer oo wali kasii socdaan istooriyeentii Isbuucii 2aad

(Xagardheer  Dec 03,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa hada ay marasaa isbuucii labaad isku dhacyada ka socda xerada qaxaatiga ee Xagardheer isku dhacyadan oo ay wadaan kooxo isku bahaystay xaga qabiilka ka soo eryaday Soomaaliya Markoodii hore, ayaa wax garad aan la xidhiidhnay noo sheegeen inaysan ahayn kuwo sidaasi usii macno buuran.

Dagaaladan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa soo kala dhex galay kooxahan ciidamada amaanka ee dalka keeniya oo si aada u sugay amaanka xerada xalayto balse marka ay ciidamadu isaga huleelaan xerada ayaa la filayaa in dagaal tooriyeedku meeshiisa ka sii socdo.

Xeradan oo ay hore uga jirtay xaalad qalafsan oo biyo la’aan ah ayaa hada waxaa lasoo gudboonaaday dadka ku sugan xerada Xagardheer xaalad amaan daro iyada oo dadku is waydiinayaan waxa ay xerada ka qabanayaan mar hadii xeradiina la mid noqotay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com