shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xanuunada  Malariyada iyo Tiifowga oo Gobolka Cayn ku soo badanaya.

(Buuhoodle,  December 29,  2009 Ceegaag Online)

Waxa Mudooyinkii ugu danbeeyey dadwaynaha kunool magaalada Buuhoodle siwayn uga Cabanayeen Xanuunada Malariyada iyo Tiifowga oo ah Labada Xanuun ee inta badan dadwaynaha kunool Dhulka Hawdka Soo rita hadaba si aanu arimahaasi  Wax uga ogaano ayaa Shabadaka Wararka ee Ceegaag Online  Waxay Booqasho ku tagtay Xarunta lagu Baadho Cudurada Malaariayada iyo Tiifowga.

hadana waxaa noo suuro gashay in aanu wax ka weydiino cuduradan gobolka saameeyay Axmed Faarax Nuure waxa uuna sheegay in dadku  Maalariyada ka Qaadaan biyaha macaan ee Barkadaha iyo kuwa wasakhaysan waxaana cuduradani oo ah kuwa dilaa ah iminka dhibaato ku hayaan deegaanka waxaaa inta badan cudurka malariyadu soo Ritaa caruurta iyo dadka waa wayn.

Dhinaca kale Axmed Faarax Nuur Waxaa u sheegay  inay dadka ugu badan ee ay baadhaan ay ka helaan cudurada malaariyada iyo tiifowga waxaan uu Axmed faarax nuure intaasi raaciyey inay dadka ka kala Yimaadaan dhamaan tuulooyinka iyo degmooyinka hoos Yimaada gobolka Cayn.

Cali Osmaan Yuusuf (Cali Dhagjar)

Wariyaha mandaqada Hawd, Buuhoodle
 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com