shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Yaynaan Qudhaanjo Lamid noqon

(Sool Sanaag Iyo Cayn,  Dec 15,  2009 Ceegaag Online)

Aniga oo ah Maxamuud Ciise Bootaan waxaan halkan jecelahay inaan kaga faa'iidaysto inaan u mariyo salaan diiran dhammaan shacabka SSC gudo iyo debedba, haddii ay garaado ahaan lahaayeen, siyaasiyiin iyo dhammaanba shacabka ka soojeeda mandaqada SSC Assalaama Calaykum Warah Matulaahi Wa Barakaatuh.
 
Salaantaas kadib hadii aan ugudo galo dulucda maqaalkayan maanta waxa weeye ujeedadiisu talo bixin, baraarujin iyo hambalyayn. Hadaba waxaan marka hore jeclahay inaan hambalyo iyo taageero u diro  Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale go'aankiisii xilkasnimada lahaa ee uu ugu baaqay in uu isugu yeedhayo dhammaan garaadadeena sharaftale magaalada Holhol hadii Allaha awoodale ogolaado horaanta bisha inagu soowajahan. Waxaan leeyahay Jaamac aad iyo aad baanu kuugu taageeraynaa go'aankaas qiimahale ee aad gaadhay Ilahayna hakaa abaal mariyo aduun iyo akhiraba wanaagiisa.
 
 Waxaan halkan sidoo kale uga mahad naqayaa garaadadeena qiimaha iyo qadarinta mudan ee ku sugan wadanka Jabuuti go'aan koodii xilkasnimad lahaa ee ay ku sheegeen in ay kutagayaan dhulkii sidii ay wato tashi buuxa ulayeelan lahaayeen garaadadeena kusun gudaha khaasatan Garoowe. Waxaana leeyahay Garaado waad dadaasheene wada himilooyinkiina qiimahale ee aad wadaan.
 
Waxaan sidoo kale qadarin buuxa siinayaa garaadadeena ku sugan Garoowe bayaan koodii kaas oo ahaa in ay u yimaadaan garaada jooga Jabuuti waxaana leeyahay Garaado waad mahad santihiin.
 
Talo iyo baraarujin dhammaan Garaadada SSC:
 
 
Waxaan garaado dhammaantiin idinku baraarujin idinkana codsanayaa in aad adeecdaan baaqa  Jaamac Garaad Ismaaciil aadna tagtaana wakhtiga lacayimay hadii Eebe idmo. Waxaan jeclahay inaan idin xasuusiyo in maanta arintaanu tahay mid fudud hadii aan helno midnimo buuxda, daacadnimo iyo isqadarin dhexdeena ah isla markaana hadii Ilaahay idin kulan siiyo aad dhammaantiin ku fakartaan sidii masiirkeena ceelka ku dhacay aad uga soosaarilahaydeen, idinka oo muujinaya isku duubni, talo mida, isla markaana dhawraya danta guud ee inaga wada dhaxaysa iyadoon dan reer iyo mid shaqsitoona la dhawrayn.
 
Garaado, ogaada waxaad tihiin odayaashii reerka waxaad sheegtaana runtii waa wax bulshada kule kaalin buuxda sidaa awgeed waa inaad ka dhabaysaan go'aankiina maanta idinka oo kaduulaya dhibka iyo sharafdarada maanta inagu habsatay aadna ogaataana in maanta cidina inoo maqnayn ceelna inoo qodnayn.
 
Yaynaan Qudhaanjo La Midnoqon:
 
Garoodo, Ilaahay caqliga wuxuu inoo siiyay inaan wax ku garano isla markaa inooga badalay noolaha kaloodhan caqligooda oo wuxuu inasiiyay wuxuusan siin noolaha kale markay noqoto xaga maanka oo dee waa taas laynagula xisaabtamayo bari kamaalin. Sidaa daraadeed waxaan idin sooqaaday odhaahda ah in aynaan qudhaanjo lamidnoqon oo caqli dheeriya la nimaadno.

Maalin maalmaha kamida ayaan waxaan arkay qudhaanjo doonaysa in ay qaadato cunto yar oo aan u malaynayo in ay ahayd baal ama qayb noolo kale taa oo ay jeclaysatay in ay qaadato isla markaana guri gaysato si ay halkaas kugu cunto. Waxay qudhaan jadaasi ku heshiisay himiladaas waxayna u aragtay arintaas mid lagama maarmaana oo hadii ay samayn wado ay dhib horseedayso hadii ay samaysana ay liibaani doonto. Gaxaa lagu heshiiyay in cuntada lawada qaado waxana hareera kagalay ilaa 10 qudhaanjo hasayeeshee waxaa caqabadi timi markii inba dhinac wax u jiiday oo halmeel wax loowada jiidiwaayay. Malaha caqli ah in dhinac loowado jiido sidaa awgeedna waxaa meeshii ka dhacay in lagu kala dareero oo gaajo lagukala tago.
 

Waxaan qisadaas u sooqaaday maanta garaado waa arinteena sidaa awgeed waa in aad latimaadaan caqlisaliiba isla markaa aad meel uun arinta isula eegtaan danta guudna wax waliba ka hormarisaan. Waxaa dhici kartaa in dadku fikirka kukala duwadaadaan sidaa awgeed hadii taasi dhacdo anoo rabin in ay dhacdo waxaa lasameeyaa cod ama (vote) wuxuuna sahlayaa arinta ah ma sidaas mise sidan oo ah war masaasaynu leelnaa mise saas baynu yeelnaa, cidii laga codbadiyana waa in ay uhogaan sanaadaan arintaas hadii aysan ahayn wax aan dan u ahayn dadkeena iyo masiirkeena taasina waa tan aduunku maanta kukala boxo isku duubni ayaa iga dardaarana waadna mahad santihiin Garaado.
 
Tolo dadwayna SSC gudo iyo debedba:
 
walaalayaal arinteenu maanta waa mid aan cidina u maqnayn ceelna uqodnayn sidaa awgeed waxaan himilooyinkeena ku gaadhikarnaa sida soo socota,
 
Midnimo, kalsooni, kalashaki la'aan dhexdeena ah, daacadnimo, iska iloowida erayga ah dangaaraa waxaa laga leeyahay, isqadarin dhexdeena ah, ka hadhida taageerada dangaara oo aan dan u hayn danta guud, kafakarid danta guud iyo in aan taageerno dadka wada xalka guud.
 
 
Codsi:
 
Walaalayaal waxaan dhammantiin idinka codsanaya in aad taaro buuxda u fidisaan dhisma airpoorka ee (Ciiltire ) ee Buuhoodle kaas oo ah danteena guud, jiilkeena maanta, ka aysiidhalayaan ilaa Yawmil Qiyaamah. Waxaan markale walaalayaal si adag idinka codsanaya in ninwalowba aad dirtid wixii aad haysid waad mahad santihiin.
 
 
Waa inoo markale iyo Guul iyo gobonimo.
 
wixii dheeriya mib994@hotmail.co.uk

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com