shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

10 Qodob oo uu Dr. Cali Khaliif Galaydh ugu Mudanyahay inuu Noqdo Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

(DJabuuti,   February 09,  2009 Ceegaag Online) 

Warar xog-ogaal ah oo aannu ka hellay ilo ku dhaw dhaw dadka odorosa siyaasadda ee ku sugan dalka Jabuuti ayaa tibaaxaya in jagada raiisal-wasaaraha Soomaaliya uu qabanayao Dr. Cali Khaliif Galaydh taas oo lagu jaangooyay xeerka awood-qaybsiga ee dastuurka DFK ee Soomaaliya. Waxaa xulashida Dr. Cali Khaliif isku raacay waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya, aqoonyahannada iyo qurbajoogta Soomaaliyeed, maxkamadaha islaamka, jaamacadda carabta, ururka IGAD, bulshada rayidka ah iyo dhammaan dadwaynaha ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Dood dheer oo ka dhacday magaalada jabuuti  laguna lafo guray sidii Soomaaliya marlabaad cagaheeda isugu taagi lahayd isla markaana looga hortagi lahaa fashilaad ku timaadda dawladdan cusub ee laysugu keenay ururadii mucaaradka ahaa iyo DFK, ayaa lasku raacay rajada kaliya ee laga qabo taabba qaadka xukuummadda lagu wado in lagu dhawaaqo dhawaan in ay tahay jagada raiisal-wasaaraha oo loo dhiibo Cali Khaliif Galaydh sababahan soo socda awgood:

1)      Dr. Cali Khaliif waa muwaaddin Soomaaliyeed oo aan wax danbi ah ka galin ummadda Soomaaliyeed tan iyo intii uu ku soo biiray masraxa siyaasadda Soomaaliya sannadihii 1967 illaa 2009.

2)      Waa nin leh aqoon diineed iyo mid maadi ahba.

3)      Waa nin waddani ah oo ka horraysiiya danihiisa gaarka ah midda shacabka Soomaaliyeed.

4)      Waa nin xidhiidh ku salaysan isixtiraam-wadashaqayneed la leh ururada iyo waddamada daneeya siyaasadda Soomaaliya sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, ururka israaca Africaanka, ururka Jaamacadda Carabta, gaashaan-buurta NATO iyo ururada madaxa bannaan ee caalamka.

5)      Waa nin aftahan ah geesi ah oo aan la gabban mawqifkiisa siyaasadeed meelkasta iyo gole kasta oo lagaga doodayo arrimaha Soomaaliya.

6)      Waa nin ku adag midnimada iyo shrafta ummadda Soomaaliyeed kana shaqeeya isusoo dhawaanshaha iyo nabad-kuwadanoolaanshaha dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay kala joogaan.

7)      Waa nin isu soo dhawayn kara Maxaakiimta Islaamka iyo ururka Alshabaab .

8)      Waa nin tagi kara dhammaan dalka Soomaaliya gobolladiisa isuna soo jiidi kara maamullada ka dhisan Soomaaliland iyo Puntland .

9)      Waa nin la xisaabtami kara waddamada deriska la ah Soomaaliya aqoon dheeraad ahna u leh damaca dawladahaas qaarkood ka leeyihiin dadka iyo dalka Soomaaliya.

10)   Waa nin aamin ah oo aan  loogana cabsi qabin in uu lunsado hantida qaranka.

 

Gabagabadii haddii Madaxwayne Shariif Shiikh Axmed uu lumiyo fursaddaas qaaliga ah ee uu haysto ee ah in uu raysal-wasaare u magacaabo Cali Khaliif, ama uu maqlo ama ku shaqeeyo siyaasadaha huwan qabiilka iyo isbahaysiga ee ay ku fashilmeen xukuumadihii isaga ka horreeyay , waxaa dhici doonta in ay sii durugto midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ayna ka faaiidaysan doonaan cadawga Soomaaliyeed.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com