shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jawiga guud ee magaaada Hargeysa ayaa caawa kacsan, ka dib markii la waayay lacag lagu qiyaasay, $100,000,000.00, Boqol malyan oo doolar,

(Hargaysa, February 18,  2009 Ceegaag Online)  

Baryhanba waxaa ka jirtay, hargeysa, arin marka loo eego shareecada, islaamka qatar ku ah, ama uu u yaqaano islaamku, RIBO, ribadaadoo waliba la casriyeeyay.

Waxay ahayd, inta qofku laga qaado, lacag ay ugu yartahay, 500$ ayaa bishii la siisanayaa, 150$,  mar waloo lacagtiisu  badatana, waxaa u kordhaya, faa`iidadiisu.

Runtii dad badan ayaa ka taajiray, oo guryo ka dhistay, Culuma awdiinka ree hargeysa ayaa dadku wax ay u sheegayeen, arintani in ay khatar tahay, qoloda, howhshani wadatan, ugu dambeyntii, in ay baxsanayaan,  oo cid uun ay ku waayi doonto, lacagteeda.

Hadaba, qolodii howshani ka dambeeysay, ayaan la ogeyn ilaa, hada meel ay jaan iyo, cidhib dhigeen,

Caawa magaaladu, dariiq kasta oo aad marto, waxaad ku arkeeysaa dad raxan raxan u socda, qaar walaacsan, qaar hadal haya, oo ka sheekeynaya, iyo qaar ku leh, ninkii soo joog laga waayo soo jiifaa laga helaaye, ee daaya.

Ma aha, dadka iyagu, lacagtu ka maqantahay, ree hargeysa oo qudha, xitaa qaar ka mid somaliada ku noola Erup iyo ameerica, iyo waliba khaliijka ayaa, ku jira,

Wararku intaa waxa ay ku darayan, in dadka ree Dubai, ee u dhashay, Somaliland oo qudha, caawa ka maqantahay, $4000000 afar milon.

Bishii 11-aad, ayay ahayd, markii, shabakada, war baahinta ee ceegaag online, wareysi dheer oo arintaasi ku saabsan, kala yeelatay, mid ka mid ah, culuma awdiinka ree hargeysa ee sida weyn aritna dadka uga wacyi galineesay, sheekhaasi oo lagu magacaabo, Sh. Maxamed axmed kaahin

Sheikh maxamed oo aanu caawa, la xidhiidhnay, ayaa noo suura gali weeyday, in aanu wareeysi ka qaadno, hase ahaatee, waxaanu idin balan qaadeynaa, in aanu barri idin soo gud bin doono, wareysiga sheekha hadii alle idmo

Xafiiska waraka ceegaag online

Hargeesa.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com