shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan is cafin ah oo Muqdisho ku dhexmaray Saraakiisha Ciidamada DFKM iyo MMIS(Daawo masawirada)
 

(Muqdisho,   February 09,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa maanta ka dhacay xarunta Gaadiidka Booliiska ee Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho kulan balaaran oo ay soo abaabuleen Maamulka Gobolka Banaadir kulankaan ayaa waxaa loogu magac daray Kulanka Is-cafin ah iyo in la wada shaqeeyo.



 

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka DFKM masuuliyiintii kulankaas ka qayb galay waxaa ka mid ah.




1- Taliyaha Ciidamada Milatariga DKMG ah Saciid Dheere.
2- Axmed C/Salaan
3- Cabdalla Boos
4- Maxamed Ibraahim Xaabsade
5- Musdhaf Dhuxulow
6 -Cabdiqay
7- Sh.C/qaadir Cali Cumar 
8- C/raxiim Ciise Cadow,
9- C/qaadir Cali Barre
10- C/laahi Macallin Muqtaar.
11/ Sheekh Axmed Dhiciso,
12- Cumar Mahdi.
13- Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle).

Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey xafladii ay isku cafinayeen maamulkii DFKM iyo ARS waxaa uu xusay in maanta dalka uu u baahan yahay nabad qof walbana laga rabo in uu ka shaqeeyo nabada qof walba lama inkiri karo dowrkii uu ka soo qaatay halganka balse maanta waa  xiligii nabad laga shaqayn lahaa ,waxaa kale oo uu xusay  Sh Shariif in dalka soomaaliya lagu dhaqayo shareecada islaamka cid walba oo wax tabanaysan diyaar baan u nahay inaan la xaajoono.

Sheikh  C/qaadir Cali Cumar oo isagan gioobta ka hadlay ayaa xusay in diinta Islaamku ay dadka muslimiinta ah ay farayso in waxa dhexdooda ka dhaca ay iska cafiyaan waa in aan qalbiga isku furnaa ilaawnaan wixii na dhexmaray hadda ka hor ,waad og tihiin in aan nahay dadkii dalkaan u soo halgamay oo
waxaan ka soo jeednaa xoogagga muqaawimada ee Halgan dheer soo galay.

Taliyaha Ciidamada Milatariga DFKM Saciid Dheere oo isagan goobta ka hadlay ayaa xusay in Soomaali ay is baabisay mudo dhan 18 sanno arinkaasna ay ugu wacan tahay inay ka dheeraadeen diintoodii oo waxaa is dilay waa dad walaalo ah oo Soomaali ah Shaydaan ayaa dadkaan dhexgal qof qof bixinaya ma jiro oo walaalihii baa islaayey  Eheladii baa is laysay cid is cafisay ma leh,Soomaali aduunka ceeb baa u yaal qarankeedii waa burburay ,dalka waxaa loo soo dhisay Dowlad Midnimo qaran ee ha la taageero si aan u soo ceshano qaranimadeenii luntay.



Kualnak maanta ayaa ahaa mid dhexmaray ragg dagaal 2 sanno iyo in ka badan uu ku dhexmarayey magaalada Muqdisho ,raggaas oo dadka shacabka ah aysan marna malaynay in ay si sahlan u hishiin doonaa meelna ama goobna si wada jir ah iskugu cafin doonaa.

Xigasho: Boocame+Halgan

webmaster@ceegaag.com