shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Sheekh Shariif oo kulan la yeeshay Abuu Mansuur, Xasan Turki iyo Saraakiil ka tirsan kooxaha muqaawamada.

(Muqdisho,   February 09,  2009 Ceegaag Online) 

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka heleyno xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Sheekh Shariif uu kulan la yeeshay madax tirsan ururka Al-Shabaab, Raaskambooni, Midowga Maxkamadaha iyo Saraakiil ka tirsan kooxaha muqaawamada.

Kulankan oo bilowday shalay gelinkii dambe, ayaa warar hoose oo aanu ka helnay Madaxtooyada waxay sheegayaan in kulamadaasi oo aan weli la shaacin ay socdeen ilaa xalay.Dhinaca kale Saraakiisha Madaxweyne

Sheekh Shariif kulanka la yeeshay waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Turki, iyo saraakiil ka tirsan Mucaskarka Raaskambooni, waxayna kulankooda iskula soo qaadeen sidii wadajir looga shaqeyn lahaa xoojinta ammaanka iyo kala dambeynta.

Wararku waxay sheegayaan in xalay markii uu kulanka dhammaaday Sheekh Turki iyo madax kale oo la socotay ay ka baxeen xarunta madaxtooyada, hase yeeshee waxaa ku hoyday halkaasi Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur Afhayeenka ururka Al-shabaab.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah, ayaa la sheegay inuu ka soo shaqeeyay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo isagu maalmahaan ku sugnaa xarunta Madaxtooyada isla markaana kulamo is daba joog ah la yeelanayay Madaxweyne Sheekh Shariif.

Xigasho: Soomaaliwayn

webmaster@ceegaag.com