shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gacan ku dhiigle  Cabdidaahir C/laahi Axmed oo maanta Garoowe lagu Qisaasay.

(Garoowe,   February 09,  2009 Ceegaag Online) 

Gudi iskugu jirta Waxgaradka Gobolka Nugaal iyo Culimo udiinka Gobolka Nugaal ayaa isku afgartay in la dilo gacan ku dhiigle  Cabdidaahir C/laahi Axmed oo isla maanta Garoowe lagu Qisaasay.

Nin gacan ku dhiigle ah ayaa maalmihii la soo dhaafay si waxashnimo ah ugu dilay bartamaha magaalada Garoowe labo nin oo saarnaa gaari dhexmarayey magaalada, Ciidanka Booliska ee garoowe ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglahaa oo isku dayey in uu baxsado.

Waa falkii ugu horeeyey oo qisaas ah ee ka dhaca magaalada Garoowe ilaa iyo intii uu Maamulka Puntland madax-weynanimo la wareegay  Dr.C/raxmaan Faroole, Shacabka Puntland ku dhaqan ayaa aad u soo dhoweeya in la fuliyo xukunada qisaasta ah arinkaas oo jaajin doonto dilalka ku dhisan ay fuliyeen dhalinyarada daroogada iyo qaadku madaxmaray.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com