shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Is qabqabsi ka dhex taagan xubnihii Bulshada rayidka ah ee ku biiri lahaa Baarlamaanka DFKM
 

(DJabuuti,  February 15,  2009 Ceegaag Online)  

Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti ayaa sheegay in xubnihii ururada bulshada rayidka ee ku biiri lahaa Baar lamaanka DFKM uu hareeyey is qabqabsi iyadoo liisas kale duwan ay u gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka
Aadan Madoobe. 

Xubnaha Bulshada rayidka ah ayaa is qabqabsaday ka dib markii loo jaan gooyey ilaa 53 xubnood in laga soo xulo xubnaha aadka ugu dhawaa Isbahay siga dib u xoraynta ee ka tirsanaa Bulshada rayidka.
 

Waxaa kale oo aad la iskugu haystaa qaabkii 4.5 loogu qaybsan lahaa xubnaha bulshada rayidka ah oo ku biiri lahaa Baarlamaanka DFKM, ilaa iyo hadda ma jiraan cid ka tirsan bulshada rayidka ah oo la dhaariyey.

Dhinac kale waxaa koox dhalinyaro ah ay weerareen xilibaan Tarax iyagoo u gey stay dhaawacyo aan ilaa hadda la aqoon inta uu la'eg yahay, kooxdaan xilibaan ka weerartay ayaan ilaa hadda la aqoon sababta ay xilibaanka u weerareen ciidanka amaanka dalka Jabuuti ayaa aad u adkeeyey Hoteelada ay degan yihiin Masuuliyiinta sarsare ee DFKM.

Xubnihii ka tirsanaa bulshada rayidka oo filayey in la dhaariyo maanta ayaan la dhaarin oo dib u dhac ku yimaadeen sida uu saxaafada u xaqiijiyey Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Cismaan Cilmi Boqore, Beelaha ayaa waxaa ka dhex taagan is qabqabsi iyadoo beel walba ay u xaglinayso in beesheeda loo badiyo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com