shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ismaaciil Aadan iyo Keenadiid Khaawi oo Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen isku soo Sharaxay xisbiga UDUB dhexdiisa.

(Hargaysa,   February 07,  2009 Ceegaag Online) 

Ismaaciil Aadan iyo Keenadiid Khaawi ayaa u sharaxan jagada madaxwaynenimada ee Xisbiga talada haya ee UDUB ee maamulka Somaliland. Doorashada oo uu shalay si aada ugu guulaystay madaxwayne Riyaale ayaa haatan u muuqata inay jiraan xubno ka tirsan xisbiga UDUB oo aan ku qancin go'aankii ururka ee shalay lagu doortay raga uga qaybgalaya xisbiga UDUB doorashada fooda inagu soo haysa.

Waxaa iyana shalay xisbiga intay ka cadhoodeen hadana dib ugu soo noqday Xubno  dhalasho ahaan ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag-bari (Dhul-bahante iyo Warsan-geli),oo uu hogaaminayo Cali Axmed (Cali-cantar) oo hore u ahaa wasiirka Xannaanada xoolaha iyo Xildhibaano ka tirsanaa golihii hore ee Wakiillada.

Qaybsanaanta soofoodsaari rabta Xisbiga UDUB ayaa u muuqata inay ku waayi Doonaan talada ay hada gacanta ku hayaan. Sida uu Keendiid Khaawi u cadeeyay Ceegaag Online Doorashadii shalay dhacday laguma qanacsana Isaga iyo Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Ismaaciil Aadan waxa ay u taagan yihiin inay UDUB u matalaan Doorashooyinka Guud Halka UDUB ay Sharaxdeen Madaxwayne Riyaale iyo kuxigeenkiisa.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com