shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo ka dagay Muqdisho laguna soo dhaweeyay Hoobiyaal sidii caadada ahayd Madaxwayne C/laahi Yuusuf.

(Muqdisho,   February 07,  2009 Ceegaag Online) 

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo ka dagay Muqdisho laguna soo dhaweeyay Hoobiyaal sidii caadada ahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa maanta ka dagay Magaalada Muqdisho iyadoo dad gaadhaya kumanaan ay iskugu soo baxeen soo dhaweyntiisii.

 

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa loo galbiyay Xarunta Villa Somalia iyadoo sidii caadada u ahayd Kooxaha Muwaaqamada ay kusoo dhaweeyeen madaxweyne Shariif Sh. Axmed hoobiyayaal.

 

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maxkamadaha ee iyagu ku sugnaa xarunta Villa Somalia ayaan wax jawaab ah ka bixin Hoobiyaasha lagu tuuray Xarunra Villa Somalia oo markaas uu ku sugnaa Madaxweyne Shariif Sh. Axmed.

 

Dhinaca kale Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar oo ah Xisbi la magac baxay Xisbul-Islaam, kaasi  oo ay ku mideysan yihiin Kooxaha Islaamiyiinta ah ee kala ah Maxkamadaha Islaamka garabka Asmara, Dugsiga Raas-kambooni, Jabhul Islaamiya iyo Dugsiga Caanoole ayaa sheegay in aaney jirin wax ay ku kala duwan yihiin dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed iyo tan uu Madaxweynaha ka yahay  Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa uu sheegay in waxa ay u arkayaan dowladda cusub ay tahay sida uu u yiri in la soo dhoo-dhoobay dowladdii hore ee TFG-da ee uu Madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf,waxaa kaliya la bedelayna ay tahay Yuusuf oo booskiisa la geliyay Shariif.

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com