shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxay Cali Khalif iyo Maslax maxamed Siyaad ku kasban waayen Jagada Raisal wasaare nimo ee dalka.

(Soomaaliya  February 14,  2009 Ceegaag Online)  

Hadii aan ukala qaadno labo, sida labadaan musharax ay ku waayeen jagada raisal wasaare ee dalka Soomaaliya, bal aan ku horayno Maslax Maxamed  Siyaad.

Maslax waxaa dhalay madax weynihii hore ee dalka Allahow raxmadee Maxamed Siyaad, Isaga Laftigiisuna qayb buu ka ahaan jiray mamulkii aabihii, oo dadbadani ay maamulkaas eedo ka tirsanayeen, dadka manta somaliya kataliya badan kooduna ay qayb badan koodu kazoo ahaayen, oo Cabdi Qasin salad baa tusaale u ah oo aan marqudha wasiir kadhicin 21 sano ee maamulkaasi jiray,  wixii dhacay markii maamulkaasi dumayna la odhankaro boqol goorbay ka badan yihiin wixii dhibaato ahaa ee laga tirsanaayey, sidaas owgeed maslax kuma uu waayi karo maamulkii abihii jagado raysal wasaare nimo, ee waxa wax lala yaabo ah maadama wax lagu qaybsaday 4.5 waxa loogu yeedho, oo maslaxna uu soo gelayo qaybtaan xaqna uu ugu lahaa in uu ku doonto wax in uu ku waayo kama tirsanid maamulka Puntland oo keliya, ayada oo ay ahayn in shaqsiyadiisa kartidiisa iyo aqoontiisa hogaamiye nimo uu ku hanto ama ku waayo jagadaan, maysan dhicin nasiib daro.

Tana saamayn weyn waxay ku leedahay in dadka darood baa an idhaahdee aanay xaqooda 4.5 jagada ugu saraysa ku raadsan karin ama maslax ha ahaado ama mid kale ha ahaadee, hadii anay Puntland ka tirsanayn, tan oo an arin aad u qaloocan, Puntland na ay aad ugu cel celisay hadaanu raysal wasaaruhu Puntland ahayn taageeri mayno dowlada.

Cali Khalif dhor meselo ayuu ku waayey jadada raysal wasaare nimo waqtigaan, laba ayaana ugu cus cuslaa sida dad goobta joogay ay soo weriyeen.

Tan koowaad Puntland madaxwaynaheedu markaan hoos buu usii degay sitoos ah wuxuu ula hadlay Sheek Shariif, Axmed walid Cabdala, iyo ina Cumar Geele, wuxuu kuyidhi madaama aan nalagala tashan xulistii parliament ka qaybta tii Sheekh Shariif waa in raisal wasaare laga dhigaa qof ka soo jeeda Puntland oo ah beesha Majeerteen, hadii kale lama shaqaynayno dowlada, olole dalka jabuuti gudihiisa ah iyo dibedaba oo cidiya ku dagaalan ahna waala galay, maamulka Puntland na uu but dhige ka ahaa.

Waxaa sharifka lagu yidhi Cali khalif markii hore ee uu dowladii Carta raysal wasaaraha ka ahaa mategin Puntland iminkana ma tegi karo hadaad doorato, ciidankayaga jooga xamar waanu la soo baxaynaa, waxtageero ah naga heli maysid mid ciidan iyo mid dhaqaale toona, hadiise aan nasiiso raysal wasaraha, ciidanku waa jogayaan dekadana waanu ka tageeraynaa dowlada sidii tii cabdi laahi oo kale.  Waxaa lagu xaqiiqsan karaa warkaan ayaama ka hor putland cidan kayaga xamar hasoo baxaan bay lahaayen, iminkana cidi mahadal hayso, waanay tageereen dowlda iyo raysal wasaaraha cusub bah.

Tankale shariifka waxaa la taliyey laba group oo kala ah reer kiisa iyo qaybo kamid ah ururka dib u xoraynta oo uu ka tirsan yahay, waxaanay isla garteen in uu yahay nin siyaase weyn oo rugcadaaya in uu yahay cali Khalif uun ka da weyn yahay shariifka

isla markaas aanu noqon Karin qof si fudud loo hogaansan karo uuna hadhayndoono siyaasada Shariifka, mustaqbalkiisa aanay u wanaagsanaan doonin haduu doorto, ee uu doorto qof da’yaroo dhalin yaro ah aan aadna u khibrad badnayn xaga siyaasada. Taas oo la sheegay in uu shariifku u riyaaqay.

Tan sadexaad uguna dan baysaa waxay ahayd dowladaha dariskeena sida Ethiopia ma aanay doonaynin Cali khalif waanay kala taliyeen ayaga laftoodu in uu doorto cali khalif, maslaxada somaliya in ay ku jirto ayay ku sifeeyeen.

Haatan iyo talo waxay ila tahay:

in dowladaan daroodku taageero si nabad iyo loo helo cadaalad loogana baxo juhliga iyo dhibaatada kursi madax iskaga duubta

in beelaha koonfurta somaliya ee darood sida Mareexaan iyo Ogaadeen ay  samaystaan maamul u dhigma kan Puntland oo ay wax ku qaybsadaan dowladuna ay ku taakulayso.

In beelaha Hartiga waqooyiga degan dhulbahante iyo Warsangali ay isaga baxaan Puntaland oo ay maamul somaliwey ah oo degaankooda ka howl gala ay samaystaan madaama aanay wax hour mar ah aanay u lahayn Puntland.

Waxaan ku gunaanadayaa rag cadaalad wayaa sidii cowsha kala yaac.

Axmed M NUX

a_nuh@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com