shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dadkeenii Daalyayhoo Colaad baa diiratee

(Soamaaliya,   February 10,  2009 Ceegaag Online) 

Bismilaah
Assalaamu Calaykum
 
Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Meel kastoo uu joogo waxaan hawada u soo marinayaa salaan walaalnimo oo ka timid qalbi jecel horumarkooda iyo wanaagooda.
 
Intaas kadib,
 
Sida aad la socotaan wadankeenii waxaaa loo doortey madaxwayne aan isleeyahay waa daawadii somalida oo ilaahay maanta u soo direy  sidaasna waxaan u leeyahay intii  aan la dooran waxaan ku arkey wararka somalidu qoraan inay sharaxan yihiin 15 musharax oo mid walba uu doonayo madax-wayne  waxaan arkey inaan doorashadan ka qaybqaadan karo oo uga qayb qaadan karo aniga oo ilaahay gacmata u taagta kana barya inuu xilka noogu dhiibo 15 kaas nin ninka uu jecel yaahay.
 
ilaahayna adoomihiisa waxa uu u kala jecel yahay sida ay u gutaan waajibaadka uu ku faral yeeley,  waxaan la socdo akhbaartii  waxaa la doortey madaxwayne Shariif Sheekh Axmed waxaa loo balamey in bari la dhaarin doono, Markii xiligii dhaarta la gaadhey waxaan isku dayey inaan bal fahmo waxa uu ku dhaaranayo madaxwaynuhu, sidii dadka inta u fiirsatey ay maqlayeen madaxwaynuhu kuma dhaaran wax dastuur ah  waxa uu ku dhaartey kitaabka quraanka ah oo uu gacanta saarey Isagoo leh  "waxaa igu wallaahi ah oo igu billaahi ah oo igu tallaahi ah inaan xilkayga si daacadnimo leh oo danta dalku ay kujirto u gudan doono anna dhawro sharciga wadanka" intii aan ka fahmey
 
Dad Badan ayaa isla markiiba madaxwaynaha dhaliiley oo yiri wuxuu ku dhaartey Dastuur qof kastoo dhagaysa khudbadii madaxwaynana ma filayo inuu ka maqley madaxwaynaha oo dastuur ku dhaaranaya
 
Hadaba Hadii Madaxwaynu uu ku dhaartey Shariciga wadanka  Sharciga wadanku waa maxay?
Sharciga wadanku waa kitaabka ilaahay hadii madaxwaynayaashii hore dhaartii ay dhaarteen aysan kitaabka ilaahay dalka ku xukumin  shariif waxaan ka rajaynayaa inuu siduu ugu dhaartey kitaabka ilaahay inuu u fulin doono, ilaahayna waxaan ka baryayaa inuusan ku fitnaynin madaxwayne nimada uuna ka yeelo  madaxwayne caadil ah oo daacad ka ah xilka uu ummadda muslimka ah u qaadey.
 
 
Waxaan xasuusinayaa ragga Iclaamiyey inay Madaxwaynaha la dirirayaan inay bal akhristaan xadiiskan hoos ku qoran ee ku sugan Saxiixul bukhaariga Kitaabul Maqaasii:-
 
Waxaa laga wariyey  Saxaabiga Miqdaad Ibnu Camar al kindiyyi,Xulufadana la ahaa reer banii Zuh-rata, wuxuuna ka mid ahaaa saxaabadii badar ka qayb galay. wuxuu yiri: waxaan ku iri rasuulka ilaahay calayhi salaatu wassalaam  ka waran hadii aan la kulmo nin ka mid ah gaalada, kadibna aan dagaalano, oo uu ku dhifto seefta mid ka mid ah gacmahayga oo uu gooyo, kadibna uu geed isku beego oo uu yidhaahdo ilaahay ayaan u hogaansamey rasuulkii ilaahayow ma dilayaaa kadib markuu yiri ilaahay baan u hogaansamey?  wuxuu yiri rasuulku Calayhi salaatu wassalaam, " Hadilin". 
waxaan ku iri rasulkii ilaahayow wuxuu gooyey mid ka mid ah gacmahayga, markaasuu yiri ilaahay baan u hogaansamey, markuu gooyey gacantayda'  rasuulka calayhi salaatu wassalaam ayaa u jawaabey oo wuxu ku yiri " Hadilin hadii aad disho waxuu joogaa booskaga inta aadan dilin, adiguna waxaad joogtaa booskiisii intuusan oran kalmadii uu yidhi"  Macnaha  hadii aad disho isagu waa muslim maadaama uu ilaahay u hogaansamey, adiguna waxaad tahay gaal maadaama aad dishey markuu islaamey"
 
Hadaba walaalayaal ilaahay aan ka cabsano oo dagaalkan aan dhamaanayn aan joojino maanta hadii dawladani inoo ogoshahay inaan ilaahay wadankeena ku caabdudno inagoo aan baqanayn Masaajidada aan la inagala baxayn  diinta inaaan barano aan la inoo diidayn culimadeena aan la xiddhxidhayn  dalkeena sharciga ilaahay laga oogayo  maxaynu kula dagaalannaa madaxa-waynaha?  Ethopia ayaan la dagaalami jirney hadii ilaahay inaga saarey ethopia ma inagii ayaa hadana dhexdiina isku bilowna?
 
Dadkaygow daalnaye
  Duqaydaas ooynaysee
     Dariiqyada lagu daldalay
 Miyaan loo diirnaxayn?
 
Dalag inaan beeranoo
Dadkeena ururinoo.....
Dugsiyada aan furnoo
     Daminno colaada shidan
     Diinteenu ma diidaysaa?
 
Dagaalku inuu socdoo
Diktoorada aan dilnoo
   Daawana aynaan helayn
    Dawladna aynaan lahayn
       Diinteenu ma doonaysaa?
 
 
Dadkeenii daalyayoo
Colaad baa diiratee...
Shariifka la doortayee
Daliilkii quraanka iyo .
  Xadiisyada soo darsee
    Dakano horo aan lahayn
   Daacad hadey ka tahay
         Dadyahow ma diidaysaan?
Mustafa Akhyaar

webmaster@ceegaag.com