shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Faroole oo reer Qardhood ku qancinaya inuu sidii Cade deegaankooda horimarkiisa ka shaqayn doono

(Qardho, February 02,  2009 Ceegaag Online) 

Madaxwaynaha Puntland  C/raxmaan Maxamed Faroole kuxigeenkiisaiyo wasiirkiisa arimaha gudaha iyo wafdikale oo farabadan ayaa hada ku sugan Caasimada gobolka Karkaar ee Qardho.

Madaxwaynaha oo ay weheliyaan madaxwaynihii hore ee dawlad gobeleedka Cada Muuse ayaa reer qardhood kala hadlaya waxyaabo badan oo ay ugu horeeso qaramaynta ciidan beeleedyada Cismaan maxamuud, dhismaha halbawlayaasha maamulka Karkaar, iyo xoojinta amaanka magaalada Qardho.

Shirkan oo ay u dhan yihiin dhamaan waxgaradka deegaanku ayaa la filayaa dhamaadkiisa, in meel laysla dhigo sidii laga yeeli lahaa maleeshiyo beeleedka deegaanka taas oo hadii aan la xalin ay adkaan doonto in la dhiso ciidan qaran iyo mid gobeleedba oo si buuxda u hanta amaanka guud ahaan gobolada Puntland.

Reer qardhood ayaana u muuqan shirka gudihiisa kuwo ku qancaya in laga wareejiyo Hubkooda ilaa hada iyadoo aan la qarameen Hubka reer Beeleedyada reer Puntland inkastoo ay reer Qardhaad haatan ugu Tugtug roonyihiin Ciidan ahaan iyo Hub ahaanba.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com