shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shariif yahow Xil qaadaye Sheekadaadu Say noqon?

(Soomaaliya, February 01,  2009 Ceegaag Online) 

Assalaamu Calaykum.
 
Marka kowaad waxaan u hanbalyeynayaa Madaxwaynah Somaliya  Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed  Xafadahullaahu waracaahu.
 
Mudane Madaxwayne  Maanta waxaad Qaadey Mus'uuliyad wayn waxaad noqotey Madaxwayne Somaliyeed  waxaa lagaa rabaaa Inaad Dalkaaga Diintaada iyo Dadkaagaba aad ugu shaqayso Cadaalad iyo Sinnaan.
 
Mudane Madaxweyne noqo kii u horseeda dadkiisa hurumar, noqo mid ka shaqeeya nabadda culimada ka soo horjeeda siyaasadaada la tasho  halkaasna ha inoogu dhamaato dhiig danbe oo qubta.
 
waxaan ugu baaqayaa Shacabka Somaliyeed meel kastay joogaan inay la shaqeeyaan madaxwaynaha cusub ee la doortey, waxaan leeyahay waa markii ugu horeysey ee uu xilka ka qabto Madaxwayne Islaamka wax ka yaqaan, waa markii ugu horaysey ee uu xil qabto Nin Diin Leh intey rabto ha u gaadhsiisnaatee  waa Fursad aynu maanta helney  fursadaas kala shaqeeya madaxwaynaha qof walowbana Meesha aad joogto ugu ducee madaxwaynaha in ilaah xilka u fududeeyo, 
 
Waxaan ilaahay ka rajaynayaa inuu ka yeelo Madax-waynaha Cusub iyo dawladiisaba Dad tayo leh oo aan ku dhisnayn caadifad qabiil, ilaahay waxaan ka rajaynayaa inay noqoto dawladii aynu waligeen raadinayney, waxaan ilaahay ka rajaynayaa in ay noqoto dawladani dawladii loo xiisa qabey ee cadaaladda, 
 
Waxaan madaxwaynaha leeyahay Erayadan hoos ku qoran:-
 

Shariif yahow Xil qaadaye

Sheekadaadu Say noqon?

 

Shareecada Islaamkana

Ma is sheegan doontaan?

 

Diinteena Sharafta leh

Sharcigeena Gaar-ka ah

Ma la soo shirtagaysaa?

 

Shacabkii Dalkaagana

Ma la shawri doontaa?

 

Shartii may dhamaatoo

Shaydaan ma haajirey?

 

Shabaabkii Dalkeenee

Shisheeyaha ka dhiidhiyey

Ma is shiishi doontaan?

 

Shacbkeenii Daalyoo

Darxumuu la baaba'ay

waxa uu daneeyaa

Nin u diirnaxaayee

Ma is diirsan doontaan?

Mise waad ku sii digan?

 
Mustafa Akhyaar

webmaster@ceegaag.com