shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

"Waxaan diyaar u nahay dawlad ahaan iyo shaqsi ahaanba inaan miiska wada hadalka la fariisano oo aan falanqeyno haddii ay jiraan shaqsi ama koox ka wadata mas’alad diini ah" Madaxwayne Shariif

(Djabuuti,   February 06,  2009 Ceegaag Online) 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan inay garab istaagaan dadaalada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta oo uu ku tilmaamay in lagu gaari karo xasilooni waarta oo dalka oo dhan laga hirgeliyo.

Madaxweyne Shariif oo ayaa shirkiisa jaraa’id waxa uu ku sheegayo inuu u soo jeedinayo dhammaan kooxaha weli dagaallada wada ee hubka haysta haddii ay ahaan lahaayeen garabyada Muqaawamada iyo maleeshiyaadka kaleba inay hubka iska dhigaan, una diyaar garoobaan ka qayb qaadashada dadaalada lagu baadi goobayo in dib dalka loogu soo celiyo xasiloonidii iyo kala dambeyntii.

“Waxaan diyaar u nahay dawlad ahaan iyo shaqsi ahaanba inaan miiska wada hadalka la fariisano oo aan falanqeyno haddii ay jiraan shaqsi ama koox ka wadata mas’alad diini ah oo aan ku khilaafnay shareecada Islaamka,” ayuu yiri Madaxweyne sheekh Shariif Axmed oo intaasi ku daray inuu arrintaasi soo dhoweynayo isla markana uu diyaar u yahay inay dhex-dhexaadin ka noqdaan culimada Islaamka ee caalamka ku sugan.

Madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu dhinaca kale tacsi u diray dhammaan ehelladii, qaraabadii, bahda saxaafadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday agaasimihii Idaacadda Horn Afrik Marxuum Siciid Tahliil Axmed, isagoo sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilkiisa ay cawaaqib xumo u dambeyn doonto adduun iyo aakhiraba.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com