shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inay markii hore iya hadaba SHAREECADA Islaamka wax ku maamuleen hadana ku maamulayaan. 

(Muqdisho, February 28,  2009 Ceegaag Online) 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sheegay in colaadii dhowaan ka dhacdey magaalada Muqdisho la isku afgartey in xabad joojin laga gaaro, isagoo xusey in odayaasha beelaha Muqdisho ay maanta u yimaadeen kuwaasi oo u keenay xabad joojin waxaana uu cadeeyey in dhinacooda ay qaateen xabad joojinta, isla markaana ay dhaqan gelinayaan.

Intii ay jireen dagaaladii dhexmarey todobaadkan dhinacyada DKMG iyo kooxihii ka soo horjeeday ayuu sheegay Sheekh Shariif in uu sababay khasaare labada dhinacba soo gaarey ayna ka xun yihiin.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in dowlada ay si rasmi ah hadda ugu soo guurtey dalka oo ayna ka shaqeyneyso sidii ay u nabadeyn lahayd dalka.

Sheekh Sheekh Axmed madaxweynaha KMG waxaa uu soo hadal qaadey kulan dhex marey dhowaan masuuliyiinta dowlada iyo gudi culimaaudiin ah oo ka dhacay Muqdisho kulankaasi oo masuuliyiinta dowlada loogu bandhigey inay dhaqan geliso shareecada, waxaana uu sheegay madaxeynuhu in culimaaudiinka ay isla garteen dhamaan wixii ay ka wada hadleen.

Xaalad bani’aadanimo oo aad u culus ayuu madaxweynuhu sheegay inay ka taagan tahay gudaha dalka xilligan, waxaana uu ugu baaqay hay’ada gargaarka iyo beesha caalamka inay taageero deg deg ah ka geystaan xaalada bani’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta hadda.

Shirkan jaraaid ayaa lagu soo beegay iyadoo saacado ka hor ay dhinaca kooxda Xisbul islaam oo dagaal magaalada Muqdisho DKMG ay dhinacooda xaqiijisey wada xaajood ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa dagaalka ay kula jiraan dowlada.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com