shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Buugga Single Mother(Qoys bilaa aabo ah)  Qof Walbow Akhri

(Muqdisho, February 28,  2009 Ceegaag Online) 

 

Si lama filaan ah waxaan laba toddobaad ka hor ugu soo baxay buug aan ka dhex helay mareegta ku caanbaxday iibinta buugta ee amazon.com, anigoo run ahaantii ku habaabay mareegaha tirada badan ee had iyo goor gorfeeya guud ahaan suugaanta iyo qoraalada.

 

Haddaba isheydu waxay qabatay buug loogu magac daray magac yaab leh, kuna qoran af-soomaali. Run ahaantii waxaa is oo jiitay magaca buugga oo ah magac af Ingiriis ah, hadana loo qoray af Soomaali ahaan. Tani waxay danta igu qasabtay in aan buugga magaciisa la dhaho: Singal Maadar (Single Mother) ee uu qoray nin lagu magacaabo Samatar Sooyaan aan islamarkiiba dhaqso u dalbado, si aan u akhristo, uga dhergo.

 

Run ahaantii waxaa farxad weyn igu dhaliyey markaan arkay buug far Soomaali ku qoran oo aan ka helayo websiyada adduunka ugu caansan, uguna weyn, islamarkaan aan dalban karo, oo weliba aqalkayga la iigu keenay. Hambalyo qoraaga Samatar, waa tallaabo weyn oo aan rajaynayo in qorayaasha kale ee Soomaaliyeed ay kaaga daydaan. Ma filayo, kolee inta aan la socdo aniga, weli buug far Soomaali keliya ku qoran oo lagu iibiyo dukaamada buugta lagu gado ee caalamiga ah. Waa markii ugu horeysay baan oran karnaa, taana waxaa mahadeeda leh qoraalkii far Soomaaliga iyo qoraagii buugga.

 

Haddaan u soo laabto buugga Singal Maadar, oo uu qoray Samatar Sooyaan dhab ahaantii waa buug qoraal ahaan khiyaali ah, kana hadlaya dhacdooyinka runta ah ee quseeya qoysaska Soomaalida, weliba kuwa ku nool Ameerika.  Singal Maadar waxaan bilaabay in aan akhriyo maalin Sabti ah oo ku beegneyd toddobada bisha Feberweri 2009 anigoo qorsheystay inaan ku dhameeyo ilaa bisha Feberweri shan iyo tobankeeda. Waxaan islahaa, si tartiib-tariib ah isaga akhriso oo iskala kuud-kuudso, maadaama aan jeclahay sheekooyinka Soomaalida, weliba kuwa ku saleysan sheekooyin qiyaali ah, kana hadlaya xiriirka ragga iyo dumarka. Hase ahaatee, waxaanba arkay anigoo weli buuggii ku dhegan, oo aan doneyn in aan meel iska dhigo, waxayna igu qaadatay hal cisho oo qura in aan ku dhameeyo buug dhan 138 bayj. Hadba cutub ayaa cutub ii dhiiba, ilaa aan markii danbe soo taabtay bogga 138daad ee ah halka ay sheekada ku dhammaato.

 

 Singal Maadar waa sheekho ku saabsan hooyo Soomaaliyeed iyo carruurteeda oo aabbe la’aan ah iyo dhibka ay la tacaalayaan, gaar ahaan hooyada dhibta iyo rafaadka ay halgameyso. Waa hooyo ku jirta dagaal qaraar. Dagaal qaraa oo ay marna iskaga celineyso ninkii ay u dhashay carruurta, marna ay iskaga ilaalineyso dowlada si aan ilmaheeda looga qaadan. Taas waxaa ka sii daran waa dagaal aan lala ogeyn, looguna garaabey, waayo waa hooyo Singal Maadar ah. Qoraaga buuggu mudane Samatar Sooyaan wuxuu kala haadinayaa, si fududna u kala dhig-dhigayaa ma aha oo keliya dhibta ay Aragsan kala kulmeyso qurbaha ee waxaaba ka sii daran habka miisaaman ee uu qoraagu isugu miisaamayo dareenka Aragsan, carruurteeda iyo gurigeeda.

 

Qoraagu wuxuu kaga duwan yahay qorayaasha kale ee Soomaaliyeed, waa qoraaga keliya ee buuxda oo tifatiran u cabbiraya dareenka qof haween ah oo weliba carruur leh, islamarkaana ku nool qurabaha. Waxa kale oo uu qoraaga soo bandhigayaa rafaadka haysta hooyooyinka Soomaalida ee ku nool dalalka ree galbeedka, wuxuuna diirada la beegsanayaa hooyooyinka keligood ah ee haddana ku hadli karin afka wadanka ay ku nool yihiin iyo bulshada ay la nool yihiin. Waa nolol dhab ah oo haysata haweenka Soomaalida ee ku kala nool Yurub iyo Ameerika. Dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay, welina ka socda qof kasta oo Soomaali ah waa ay saameysay ama si dadban bay u saameysay ama si toos. Dadka qaarki jir ahaan ayey dagaaladu u saameysay sida qof naafo ku noqda. Dad kalana maskax ahaan ayey dagaalada u saameeyeen sida qofka oo isku buuga. Laakiin waxaa jira dad aan is-ogeyn, hase yeeshee, dagaalka sokeeye uu dhibaato weyn u gaystay, una muuqda in ay caafimaad qabaan, buugga Singal Maadar waad kala soo dhex bixi kartaa kooxdan sida aa tooska ahayn dagaalku u waxyeeleeyey.

 

Dhacdada buuggu waxay ku saabsan tahay horaantii qarnigan 21naad, waxayna qisada ka dhaceysaa magaalada Minaayaabulis ee dalka Maraykanka, gaar ahaan xaafadaha ay Soomaalidu ku badan tahay. Abshir iyo Aragsan muddo kolkay guur iyo nolol raaxo leh isla qaybsadeen, isuna dhaleen dhowr carruur ah bay noloshoodu u sibqaneysa dhinaca qalloocan. Aragan iyo Abshir arrintoodu waxay ku soo urureysaa dacwad iyo in kayskooda ama arrintooda loo gudbiyo maxkamada sare ee Minasoota, waxayna isla marayaa wado adag oo dheer oo bahalo galeen ah, ugu danbeytana lama garan karo cida ku guuleysata.

 

Buugga Singal Maadar waa buug runtii mar maad iyo qosol leh, mar kalana naxdin, welwel iyo xanaaq qofka akhristaha ku abuuraya. Waxa kale oo buugga ka muuqda aftahanimada iyo qananimada af Soomaaliga. Qoraagu wuxuu isticmaalayaa af Soomaaligii hore, isagoo u isticmaalaya inuu ku dhiso sheekada buugga, islamarkaana waxaan marna meesha ka marneyn af Soomaaliga casriga ah. Waxaan qabaa ereyo badan oo casri ah, afkana looga hadlo, hadduusan qoraagu buuggiisa u isticmaali laheyn in la waayi lahaa, maantase, sida aan qabo, ay ku jiraan keyd mustaqbalka danbe jiilka soo socda ay ka faa’iideysan doonaan.

 

Samatar waxa kale ee uu buugga si cad ugu muujinayaa dhibaatada ugu weyn ee dadka Soomaalida maanta hor taala, sida looga bixi doonana aan weli wadiiqo loo maro la garaneyn. Waa dhibaatada ugu weyn ee maanta bur-burisa qoysaska Soomaalida gudaha iyo kuwa qurbaha ku nool. Waa dhibaatada uu jaadku ku hayo ummada Soomaalida. Waxa kale oo buugga laga baran karaa, weliba dadka shisheeyaha ah ee xiiseynaya in ay bartaan dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, hab dhaqanka iyo fikirka ninka Soomaaliga ah. Meesha iyadana kama marna, oo buugga Singal Maadar waa lagu soo bandhigay kaalinta aan wanaagsaneyn oo ay wadaada xag jirka ah ay bulshada kaga jiraan.

 

Buugga Singal Maadar waa buug iyo qoraal soo bandhigaya dibin-daabyeenta ay ragga qaarkood ku hayaan haweenka u dhaxa iyo cawaaqab xumada ka dhalata marka qoysku burburo, weliba qoys ku burburay qurbaha oo aan haysan arxan iyo qaraabo kala dhex gasha aan ka aheyn maxkamada Minasoota. Sidoo kale qoraagu marna kama bakheylin inuu hoosta ka xariiqo khuraafaadka loo dhigo dumarka Soomaalida qaarkood sida kaalinta uu Mingiska ama Booranaha ka qaadan karo dhismaha ama burburka qoys Soomaaliyeed iyo weliba dhibaatada ka timaada gabdhaha oo la gudo.

 

Guntii iyo gebgebadii, sheekada Singal Maadar waa sheekada ugu wanaagsan ee khiyaali ah oo uu  qof Soomaali ah qornigan ilaa iyo iminka inta aan akhriyey. Waa buuggii ugu horeeyey ee Sooyaalka Soomaaliyeed ee sheeko la qoro ku saleeyey cilmiga saykolojiga (psychology), islamarkaan cutub dhan kaga hadlaya aqoonta saykolojiga.

 

Buugga Singal Maadar waxaan ku taliyey, kuna talinayaa in uu ka mid noqdo buugta lagu dhigto dugsiyada sare ee Soomaaliya iyo dalka Maraykanka, weliba waxaan codsaday in lagu dari karo jaamacadaha ama koleejyada. Shaki wuxuusan iiga jrin in mustaqbalka makraan yeelano dal iyo dad shaqeeya eel eh maskax iyo garaad ku filan, oo qofka wax qorana lagu qiimeyneyn qabiilka uu ka dhashay in jiilka soo socda la bari doono, weliba kuwa ku sugan dalkii hooyo oo fahmi doono nolosha dhabta ah ee qurbaha Samatar Sooyaan, fadlan halkaas ka wad qoraalada waxtarka u yeelan bulshada, waxaana ku talin lahaa Singal Maadar waa buug u baahan in qof walba akhriyo ee looga maarmin.

 

Sucaad Muxiyadiin

Sucaad17@yahoo.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com