shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hooyo Sahra Xaaji Cismaan Sharmaarke oo ku geeryootay Toronto

(Toronto, February 26,  2009 Ceegaag Online) 

Inaalilaahi wainaa ilayhi raajicuun. Waxaa ku geeryootay magaalada Toronto ee dalka Kanada Hooyo Marxuumad Sahro Xaaji Cismaan Sharmaarke oo ahayd Afadii labaad ee Marxuum Xaaji Muuse Boqor.

C/laahi Gurxax iyo dhamaan jaaliyada reer Boston ayaa halkan Tacsi uga diraya labada qoys ee reer Xaaji Cismaan Sharmaarke iyo reer Muuse Boqor iyagoo uga tacsiyadeenaya geeridaa Xaqa ah ee Haleeshay Hooyo Marxuumad Sahro Xaaji Cismaan Sharmaarke.

Bahda Ceegaag ayaa iyaguna tacsi taalamida u diraya labadan qoys oo ah qoysaska ugu culculus reer Soomaaliya. waxaan ilaahay uga baryanaa inuu janada Fardawsa ah ka waraabiyo marxuumda eheladiina samir iyo iimaan ka siiyo Aammiiiinnn.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com