shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

C/raxman Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku Guulaystey Madaxweynaha DG Puntland.

(Garoowe, January, 08  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa Baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland lagaga dhawaaqay in Mudane C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu ku guulaystey Jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland 4-ta sano ee soo socota.

C/raxmaan Faroole ayaa maamuladii C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse kasoo qabtay Jagooyin kala duwan, Tallaabada ugu horaysa ee laga rabo C/raxmaan Faroole ku dhaqaaqo ayaa ah inuu ku dag-dag usoo dhiso Wasiiro kooban oo ay yeelato Dowlad Goboleedka Puntland una horseeda Horumar, Nabadgalyo iyo Cadaalad.

Dhinaca kale Doorashada Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si toos ah hada uga socota Madasha Hoolka, iyadoo saacada nagu soo aadan lagu dhawaaqidoono.

wixii soo kordha kala soco Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com