shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Muranka Xoogaystey Ee Xulista Wakiilada iyo Guddiga Ansixinta Puntland

(Garoowe, January, 02  2009 Ceegaag Online) 

Bilowgii Bisha Decembar ee 2008, waxa madaxwaynahay Puntland Cadde Muuse Xirsi uu magacaabey Guddiga Ansixinta iyo Khilaafaadka Puntland, Guddigaas Wuxuu  madaxwaynuhu u magacabey in ay soo xulaan xubnaha Gollaha wakiilada ee ay soo gudbiyeen odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka beelahooda.
 
Haddaba, tan iyo markii ay gudigaasi hawshooda bilaabeen waxaa muran xoog leh iyo isku haysad aad u fara badani ka jirey soo xulista xubnaha golaha wakiilada Puntland, arintan oo la sheegayo in ay sabab u tahay qaabka ay  u soo gudbiyeen qaar ka mid ah isimada dhaqanka oo aan waafaqsanayn sidii loogu talagalay in loo soo xulo wakiilada beesha, waayo waxaa la sheegaya in ay jiraan  ku tagri fal masirka beesha iyo cadaalad daro ay sameeyeen isimada qaarkood, taasoo ah in ay markasta caado u noqotay magacaabis qof jeclaysi ah oo aan lahayn la tashiga beesha, sida caaqiliinta iyo waxgaradka beesha iska leh wakiilka.
 
Arintaasi waxay keentay inay caaqilinta iyo waxgaradka beeshaasi ay qof kale kasoo dhinac magacaabaan, isinka beeshuna uu diido qofka ay caaqiliintu soo xushay ee sharciga waafaqsan , taasina waxay sababtay in tiro isku beel ah oo wakiil doon ahi ay warqadahooda kale duwan u soo gudbiyaan gudiga ansixinta iyo khilaafaadka puntland.
 
Sidaas darteed soo gudbintaas is maandhaafka ah ee beelaha qaarkood ka yimid, waxaa ka bilowdey tartan xoog leh iyo khilaafaad wajiyo badan leh, kuwaas oo keenay in ay tartamayaan wakiil doon ah oo isku beel kasocdaa ay kala saftaan talo la'aanta iyo cadaalad darada beeshooda ka jirta awgeed. 
 
Muwaadiniinta reer Puntland, waxay khilaafadka wakiilada intooda badan u tirinayaan mid kasoo abuurmay xaga dhaqanka beelahooda, waxaana la sheegayaa in cabashooyinka ugu badan ee xulista wakiiladu ay ka jirto dhinaca beelaha SSC, gaar ahaan beelaha degen Gobalka Cayn, (Buuhoodle), taas oo layiri Shaqsiba isimka sheeganaya ee sidaas wax u maamaulaya ay muwaadininta beeshu ku magacaabeen in uu yahay (Kaligiis Talis), waayo waxay yiraahdeen wuxuu ku dhaqmayaa go'aan gaar u ah oo aan waafaqsanayn xulista xubinta wakiilka beesha.
 
Xaaladu si kastaba ha u soo gurguuratee, waxaa december 30keeda 2008, ay gudiga ansixinta iyo khilaafaadka puntland soo saareen lixdan iyo lixdankii xubnood ee noqonayey wakiilada puntland, waxayna liiskoodi kusoo dhejiyeen darbiga xarunta parlamanka puntland, waxaana laga sidaayey saxaafada joogta garowe.
 
Markii ay beelkasta ogaadeen qofka u soo baxay ee u noqdey wakiilka, waxaa qaarkood cirka isku shareerey  khilaafad iyo cabashooyin ka xoogbadan kuwii hore u jirey, waxaana lasheegayaa dagaal gacan ka hadal gaarey oo dhexmaray qaar kamid ah isimada gobalka cayn, (buuhodle), waxaana saxaafada ka hadlay qaar kale oo kamid ah beelaha puntland.
 
Waxaana maalmahan magaalada GArowe ka taagan muran aad u xoogaystay oo arintaas ka dhashay, waxayna dadka reer puntland is waydiinayaan su'aalo badan oo ay ka mid yihiin:


1. Sidee wax u dooranayaan wakiilada qaarkood cadaalad darada lagu soo xulay?


2.Maxay waxqabad u keeni karaan dalka iyo dadka Puntland?


3. ma ilaalin karaan sharciga iyo sharafta dalka iyo dadka Puntland?
 
Runtii muwaadininta reer puntaland,waxay intoodabadani walaac ka muujiynayan wakiilada lasoosarey sida ay wax u dooran doonan ama ugu shaqayn doonan dalka iyo dadka reer puntland, waxayna dadku maheradaha ay isugu yimadaamba iyo suuqyada magaaladaba kaga dhawaaqayaan (Hal Xaaran ahi Nirig Xalaal ah Madhasho).
 
NB: Waxaa Fiican in lafahmo oo lala socdo weedhan ( isha Dadwaynuhu Dhalil bay aragtaa).
 
Faallo Qore: Dr. Haarun Hassan, Garowe

webmaster@ceegaag.com