shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal khasaare Nafeed geystay oo ka dhacay Widhwidh.

(Widhwidh, January, 03  2009 Ceegaag Online) 

Iska Hor imaad dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Is diiwaangalinta Doorashada Maamulka Somaliland ayaa hada ka soconaya Degmada Widhwidh ee Gobolka Cayn.

Mar aanu xidhiidhnay la sameenay Degmada Widhwidh  ayaa naloo xaqiijiyay in ilaa hada dagaalka ay ku dhinteen Sarkal ka tirsanaa Ciidamada Somaliland laguna magacaabo, Shiine Galaal iyo askari kale oo Ciidanka S/land ka mid ahaa..

Dhinaca kale mar aanu goor dhaweyd khadka telephone ka kula xidhiidhnay Degmada Ceegaag ayaa naloo xaqiijiyay in magaaladu guud ahan dagan tahay iyadoo wali ay taagan tahay xiisadii Sanaadiiqdii xalay sida hoose loosoo galiyay Magaalada.

Wixii war ah ee kasoo kordha kala Ceegag Online.

webmaster@ceegaag.com