shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Reer Boston oo xaflad Shir ah ku sii sagootiyay Wasiir Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Garaash"

(Boston, January 26,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa Galabta ka dhacay Qolka Shirarka ee Somali Women and Children ASS. ee magaalada Boston, Cariga dalka Maraykanka Xaflad lagu sii sagootinaya Axmed Cilmi Cismaan Axmed Garaash oo haatan ka mid noqday Xukuumada Cusub ee Puntland.

Xafladan oo ahayd Shaqadii ugu horeesay ee wasiirku qabtay, ayaa ahayd mid laysugu xidhayay ama xidhiidh looga dhex yagleelayay Xukuumada cusub ee Puntland iyo Taageerayaasheeda qurbaawiyiinta ah siiba kuwa reer Mareekan.

Waxaa madasha shirka la wareegay Luul Gaalooti

Luul Gaalooti oo aad u dhiiro galisay in cadaalada lagu dadaalo ayaa waxaa buraanburkeeda ka mid ahaa lana hadlasa Gabdhaha Soomaaliyeed siiba kuwa reer waqooyiga ayaa waxay tidhi.

1. Dumarka qaarbaa fidnada doonoo dan bida

2. Damiirkaaga iyo runtaa is diidsan dan la'eey

3. Colaada dadkaaga Gabadhii damiir la'eey

4. Waxaa ku duma aqal dugsoon oon dib loo dhiseen

5. Waxaa ku duugooba curadkaad ku dagi lahayd

6. Aabahaa damalo culusbaa dusha uga dhaca

7. Waxaad saygaaga uga duubataa Dalfo CAD

8. Adigoo duruq leh baad ku iman Duruq banaan

9. Daladaha iyo eyda dawadoodu waa sidaa

10. Dugaaga iyo huubatadu waa ku dubanayaan

11. Dulaalada Guduhu dankalay ka leeyihiin.

12.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Luul gaalooti oo hoos usoo degtay ayaa hadana ku xijisay Buraanbur markii ay kaa hore soo gabo gabeesay waxaana uu u dhacayay sidatan.

1. Duulaanka Laascaano Axmed waan dareesanahay

2. Hadii lagu duulay oo daan daansi loola tagay

3. Raboow xaqu kaama daahne e damiin u noqo

4. Malaa igahaaga u dir oo ha daafeceen

5. Ha isku duubmeen oo ha garteen wixii udaran

6.!!!!!!!!!!!!!!!

iyo Buraan buro kale oo badan, kadib Waxaa isna ka xog waramay Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya Ritoos

Fardowso Axmed Suldaan oo Buraanbur ay u tirisay Wasiirka nasoo gaadhsiisay buraanburka ayaa erayadiisa waxaa ka mid ahaa

1. Axmadoow waad tageesaaye talo ogoow

2. Ducaan ku raacinay e daa'in ha kuu aqbalo

3. OO tolkaa wuu kala tagay e soo tabaabushee

4. OO tiiraanyada iyo taaha badan ka bii

5. OO halyaybaad tahay e kii hagaaja noqo

6. OO lagugu soo hiray sidii Hoonidii Berbera

7. OO lagugu soo hiray sidii ceelka Haro-digeed

Daawo Qaybta 2aad

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com