shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Barack Obama oo xukunka loo dhaariyay.

(Washington, January 20,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa maanta ka taagan Carigan maraykanka farxad iyo dabaal deg loo debaal dagayo u dhaarinta loo dhaariyay jagada madaxwaynenimada dalkan maraykanka nin madow ah markii ugu horeesay.

Barack  Hussein Obama ayaa haatan ah madaxwaynihii 44aad ee dalkan mareekanku yeesho. Dadka madowga ah ayaa maanta ku uruuray Kiniisadaha iyo Tiyaatarada si ay u daawadaan sida ay u dhacaso Dhaarintu.

Madaxwayne Obama ayaa la dhaariyay iyada oo xaaskiisa iyo labdiisa gabdhood daawanayaa.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com