shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nuur Aboli Xuseen oo 38 jir ahaa ayaa si arxandaro ah shafka looga toogtay kadibna lagu sii khaarajiyay Isbataalkii loola cararay si....

(Koonfur Afrika, January 22,  2009 Ceegaag Online) 


Sidii caadada u ahay reer Koofur Afrika oo sii wada gumaadka ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed ee u tagtay wadankooda si ay nolal in uun uga helaan. Nuur Aboli Xuseen oo 38 jir ahaa ayaa shafka laga toogtay shalay dukaankisa dhexdiisa, tukaankaankaa oo ku yaala
Port Elizabeth gobolka Wells Estate.

Marxuumka ayaa isla goobtaa ku galgalanayay nafla caarigii kadib markii laga baqay 4 nin ee midkood toogtay marxuumka oo daldalanayay dukaankii uu marxuumku goobtaa kulahaa.

Sida la xaqiijiyay marxuumka ayaa isaga oo nafi ku jirto la geeyay Isbataalka balse Isbataalada Koonfur Afrika ayaa bililiqeesta Xubnaha unugyada muhimka ah ee Soomaalida sida Wadnaha, Beerka, Kalyaha, Indhaha, iyo waliba Xubnaha taranka sida Xiniinyaha. Sidaa awgeed loo maleenayaa inay is raaciyeen Marxuumka.

Iyadoo saaka la arkayay xitaa in madaxa laga qalay xiniinyihiina lagala baxay iyada oo marxuumka hal xabad ah shafka lagaga dhurtay uun.

Gacan ku dhiiglayaashii dilay marxuumka ayaa iska dhex mushaaxaya suuqa iyada oo taasi naxdin wayn oo wadno kukur ah ku hayso wali kuwa ganacsiga sii miliclicsanaya gaar ahaan suuqaa, guud ahaana Koonfurta Afrika.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com