shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Cadowga Itoobiya oo ka huleelay Soomaaliya iyo reer Muqdisho oo habaar ku sii sagootiyay

(Muqedisho, January 16,  2009 Ceegaag Online) 

 

Wararka ka imanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ay Kabteey AAWAY uga dhacday ciidamada cadowga Itoobiya caasimada Soomaaliya ee muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada oo isku uruursaday Afgooye ayaa ka huleelay saaka iyaga oo u ruqaansaday Gobolka Bay ee Baydhabo ciidamadan ayaa la filayaa inay isla caawa dhaafaan xuduud beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa habaar kusii sagootiyay Ciidamadaa Wayaanaha ah sidoo kale waxay isugu soo bexeen damaashaad iyo farxad dhamaan magaalada jidadkeeda.

Damaashaadka ugu waynaa ayaa waxa uu ka dhacay Isbartiibada Muqdisho oo ay ka muuqatay Darxumadii Dagaalada sokeeye ee ka socday dalka, ilaa intii ay dhacday dawladii dhexe ee Somaliaya.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com