shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Isu-diwaangalintii Doorashooyinka Somaliland oo si Nabdgalyo ah ugu soo Gaba-gabbowday Ceegaag

(Ceegaag, January, 07  2009 Ceegaag Online) 

Magaalada Ceegaag oo ka tirsan ama la raaciyay Gobolka Sool ayay ka soo gabo gaboowday Isdiiwaan galintii laysku diiwaan galinayay Doorashooyinka Maamulka Somaliland.

Maamulka magaalada ayaa noo xaqii jiyay in ay ka ambabaxeen Shaqaalihii Diiwaangaliyayaasha ahaa maanta 5:00PM shantii galabnimo wakhtiga Afrikada Bari. iyadoo loo sameeyay Xaflad balaadhan Gunaandka Diiwaan galinta.

Mar aanu waraysanay Hor-joogayaashii Diiwaan Galiyayaasha ee Ceegaag, ayay noo sheegeen in ilaa (7,000) Todobakun oo qof ku dhawaad ay ka diiwaangaliyeen labada xaafadood ee ay ka kooban tahay Ceegaag iyo nawaaxigeeda.

Waxaa kale oo naloo sheegay in dadwaynaha reer Ceegaag iyo nawaaxigoodu ay aad ugu niyad samaayeen sidii nabdgalyada ahayd ee ay ku soo dhamaatay Diiwaan Galintu.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com